"Siyaasiyiintii Ugu Magaca Dheeraa KULMIYE Waa Kuwii Iska Casilay Xukuumadda Iyo Xisbiga­ba Kuna Biiray WADDANI" Cali Khaliif Galaydh.

0
Saturday August 12, 2017 - 11:16:42 in by Burco Office
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Siyaasiyiintii Ugu Magaca Dheeraa KULMIYE Waa Kuwii Iska Casilay Xukuumadda Iyo Xisbiga­ba Kuna Biiray WADDANI" Cali Khaliif Galaydh.

    "Siyaasiyiintii Ugu Magaca Dheeraa KULMIYE Waa Kuwii Iska Casilay Xukuumadda Iyo Xisbiga­ba Kuna Biiray WADDANI" Cali Khaliif Galaydh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siyaasiyiintii Ugu Magaca Dheeraa KULMIYE Waa Kuwii Iska Casilay Xukuumadda Iyo Xisbiga­ba Kuna Biiray WADDANI" Cali Khaliif Galaydh. "Siyaasiyiintii Ugu Magaca Dheeraa KULMIYE Waa Kuwii Iska Casilay Xukuumadda Iyo Xisbiga­ba Kuna Biiray WADDANI" Cali Khaliif Galaydh.

 

 

Siyaasi Cali Khaliif Galaydh hoggaamiyaha kooxda Khaatumo ayaa waxa uu sheegay in siyaasiyiintii ugu magaca dheeraa xisiga KULMIYE ugu­na miisaanka Cuslaa ay iska casileen xisbiga KULMIYE kuna biireen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo wareysi siiyey shabakadda wararka Togaherer ayaa sheegay in aanay siyaasadu aheyn mid meel taagan balse ay isbed­bedasho waxaana uu yidhi "Siyaasadu marba meel ayey joogta waxaana aan u malaynayaa xisbigaasi KULMIYE dadkiisii amma siyaasiyiintiisii ugu magaca dheera muddo hadda sannad iyo dheeraad laga joogo, waa kuwii iska casilay gollaha wasiiradda, madaxnimadii xisbiga KULMIYE­na ka baxay ee xisbigaas Kale galay (xisbiga WADDANI” ayuu yidhi Prof. Cali Khaliif Galaydh. Dhinaca kale Cali Khaliif Galaydh waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta ka soo jeeda deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn ay qaarkooda taageersan yihiin wada­hadalka u dhaxeeya Somaliland Iyo Khaatumo, qaarkood­na ay u arkaan haddii wadahadalladaas lagu guulaysto ay iyagu meesha ka baxayaan.

"Siyaasiyiinta Sool, Sanaag iyo Cayn ka soo jeeda ee ka tirsan xukuumadda Somaliland qaarkood door fir­fircoon way ka qaateen wada­hadallada, qaarkoodna waxaa ay u arkaan in wada hadaladani ay malagooda tahay oo haddii wadahaladaas lagu guuleysto inay meesha ka bixi doonan” ayuu yidhi Cali Khaliif.