Jamaal Ali Husein oo Bulshada ugu Baaqay in la isku naxaiirsto oo Dabaqadaha Hoose ee Bulshada hoos loo eego

0
Saturday July 19, 2014 - 09:07:45 in by Super Admin
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Ali Husein oo Bulshada ugu Baaqay in la isku naxaiirsto oo Dabaqadaha Hoose ee Bulshada hoos loo eego

    Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqey in la isku naxariisto, oo qofka qofwalba Qofka ka hooseeya uu ku caawiyo wixii uu heli karayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqey in la isku naxariisto, oo qofka qofwalba Qofka ka hooseeya uu ku caawiyo wixii uu heli karayo.


Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, isaga oo xusay in dadka reer Somaliland ay kala noqdeen dabaqado kala sareeya dhaqaale ahaan.

Jamaal Cali Xuseen, ayaa qoraalkiisa ku yidhi "Tobankii ugu dambeeyey ee Ramadaan-baynu gelnay ee aynu duceysano, dalkana u duceyno. Waa in la isku naxariistaa oo dadka jilicsan loo naxariistaa. Dalkeena dabaqado ayuu kala noqday oo maaha sidii berigii hore ee la sinnaa”


Jamaal oo sii hadlaya ayaa sheegay "Maceeshaddiina runtii way sii qaaliyowday ee qof walowba inta aad ku caawin kartid qof kaa liita u same, qof walba tiisaa cusleysay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Somaliland waxay ku soo caano maashay wanaagga ay dadkeedu isku falaan. Ilaahay baana xaalad kasta oo adag ka saaraya. Iinshallah waxa jiri doonta xilli hiigsigga ummaddu uu rumoobo, oo safaaradaha dibaddu ay kala waayaan guryo ay ka galaan caasimadda dalka, Fadlan taasi ha lagu duceeyo tobanka Ramadaan ee danbe”



Afkashacabka.com
Hargeysa / Office