Daawo: Dhalinyarada Ururkii Dhowaan lagu dhawaaqay ee JIIDALI oo Casho sharaf u samaysay Masuuliyiinta Wargeysyada Xayiran Ee Haatuf Iyo Hubaa

0
Saturday July 19, 2014 - 09:10:40 in by Super Admin
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dhalinyarada Ururkii Dhowaan lagu dhawaaqay ee JIIDALI oo Casho sharaf u samaysay Masuuliyiinta Wargeysyada Xayiran Ee Haatuf Iyo Hubaa

    Daawo: Dhalinyarada Ururkii Dhowaan lagu dhawaaqay ee JIIDALI oo Casho sharaf u samaysay Masuuliyiinta Wargeysyada Xayiran Ee Haatuf Iyo Hubaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo: Dhalinyarada Ururkii Dhowaan lagu dhawaaqay ee JIIDALI oo Casho sharaf u samaysay Masuuliyiinta Wargeysyada Xayiran Ee Haatuf Iyo Hubaal

Ururka Dhalinyarada ee Jiiddali ayaa Kulan Afur iyo Casho isugu lammaan habeen hore U Sammeeyey Mas’uuliyiinta labada wargeys ee Xukuumadda Somaliland Albaabada U laabtay ee HUBAAL iyo HAATUF.


Kulankaas oo ka dhacay Hotel-ka Imperial ee Magaalada Hargeysa Waxa ka soo qayb galay Hoggaanka sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA, Guddoomiyeyaasha Wargeysyada Haatuf/Somaliland Time iyo HUBAAL/Independent Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Maxamed Axmed Jaamac (Calooley), Tifaftirayaasha guud ee HAATUF iyo HUBAAL Axmed Cali Cige iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi Keefkeef, Siyaasiyiin, Sharci-yaqaanno, Xubnaha ururka Jiidali, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.


Guddoomiyaha ururka Jiidali oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ujeeddada kulankan ku tilmaamay mid ay ku dhiiri gelinayaan labada wargeys ee xukuumaddu cudhisay iyo tacadiga caddaalad darrada ku dhisan ee ay kala kulmeen.


Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJa Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo isna madashaas ka hadlay ayaa ku bogadiyey ururka soo qabanqaabiyey kulankan isaga oo tilmaamay in tallaabada ay qaadeen ee ay ku dhiirigelinayaan Xorriyatul qawlku tahay mid muhiim ah oo ay ka furteen SOLJA Ahaan.


Guddomiyeyaasha labada wargeys ee HUBAAL iyo HAATUF iyo tifaftirayaashooda ayaa iyaguna madasha khudabdo ka jeediyey, waxaanay ka warrameen xaalada saxaafadda Somaliland maanta marayso iyo waxyaabo dhaqan ahaan ku cusub saaxadda warbaahinta oo ay xukuumaddu soo kordhisay intiia y talada haysay.


Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed oo kamid ahaa sharci yaqaannadii u doodayay Masuuliyiinta HAATUF iyo HUBAAL Waqtiyadii ay dacwadu ku socotay ayaa isaguna halkaas ka hadlay.


Waxa kale oo kamid ahaa dadkii madasha ka hadlay Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootto) iyo Siyaasiga Madaxa banaan ee Axmed Ismaacii lLike."Jiidali,aniga ceerigaabo ayaan ku dhashay, markaanu halka joognay waxa la odhan jiray Jiidali jirbaa helay,markaa jirkii wakhtigaa la sheegi jiray immika ayuu helayoo”


Guddoomiye ku xigeenka Ururka SOLJA Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo halkaa ka hadlay waxa uu yidhi "saxaafadda s/land waalla ragaadiyay, rag badan baa jira oo iska dhawra arrimaha saxaafada oo haddaanu imika amaano, dee shaqadaaba laga eryi baan u malayn markaa waxba magacaabi mayno”.


Sidoo kale Guddoomiyaha Wargeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac oo isna halkaa ka hadlay waxa uu yidhi "Hubaal laba jeerbaa la xidhay, Haatufna hal mar oo yuusuf iyo tafatirahiisa maxkamad baa la geeyay, wasiiro ayaa mudici ka ahaa kiiskooda, laakiin Anaka, Hubaal ilaa December 2013-kii ilaa hadda wuu xidhan yahoo maxkamadana wax kiis ah oo noo yaalaa ma jiro,waa waxyaabaha ugu yaabka badan ee naga fajaciyay”. 

"waxyaabaha naga yaabiyay runtii Toddoba bilood ayaanu maxkamadda ku noqnoqnaynay, arroor kastana aanu weydiinaynay kiiskayaga, markaanu aragnay in wax kiisa lanoo keeni waayay, waanu iska daynay oo anagaaba iska qanacnay” ayuu yidhi Mr. Cloolay


Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu ammaanay ururka afurka u sameeyay. 







Afkashacabka.com 

Hargeysa / Office 

Contact@afkashacabka.com