Xaaska Mugabe oo Zimbabwe ku laabatay iyadoo tacaddiyo loo haysto

0
Wednesday August 16, 2017 - 11:40:15 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaska Mugabe oo Zimbabwe ku laabatay iyadoo tacaddiyo loo haysto

    Marwada koobaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugabe ayaa dalkeeda ku laabatay iyada oo ka tagtay dalka Koonfur Afrika, ka dib markii ay ku guuldarraysatay in ay u tagto booliiska magaalada Johannesburg si wax looga waydiiyo eedaymo tacaddi oo lagu soo eed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada koobaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugabe ayaa dalkeeda ku laabatay iyada oo ka tagtay dalka Koonfur Afrika, ka dib markii ay ku guuldarraysatay in ay u tagto booliiska magaalada Johannesburg si wax looga waydiiyo eedaymo tacaddi oo lagu soo eedeeyay, sida ay saraakiishu sheegaan.

Ma cadda sababta aysan Grace ugu tagin booliiska maadaama oo ay sheegtay un ay u tagi doonto.

Gabadh 20 jir ah oo reer Koonfur Afrika ah ayaa Grace ku eedaysay in ay madaxa wax kaga dhufatay ka dib markii ay ku murmeen huteel habeenkii Axadda.

Grace ilaa iyo hadda kama aysan hadlin eedaynta loo soo jeediyay.

Gabriella Engels ayaa sheegay in lagu dhuftay qaybisada korontadaLahaanshaha sawirkaGABRIELLA ENGELS
Image captionGabriella Engels ayaa sheegay in lagu dhuftay qaybisada korontada

Ilo ka tirsan dawladda Zimbabwe ayaa xaqiijiyay in Grace oo ah xaaska madaxweyne Robert Mugabe ay ku laabatay dalkeeda.

"Haa dalka ayay ku soo laabatay, ma garanayno meesha ay ka socoto arrintan tacaddiga," ayuu yiri sarkaal sare oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mar sii horraysay ayay booliiska Koonfur Afrika sheegeen in ay wada xaajood la galeen qareenkeeda si ay booliiska iyadu ugu timaado.


Xigasho/BBC Somali