Haweenay Caan Ka Ah Dalka Israil Oo Ku Baaqday In La Dabarjaro Falastiin Iyo Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Ka Gubtay.
Waxaana haatan naceybkeeda soo bandhigtay haweeneey caan ka ah Yahuuda kana tirsan Baarlamaanka taasoo lagu magacaabo Ayelet Shaket, waxa ayna haweeneydani si aan ganbasho laheyn u tidhi
” Dhamaantood waa inay dhintaan (reer falastiin) guryahooda waa in la dumiyaa, si aaney markale usoo bixin argagixiso kale, kuligood waa cadowgeena, dhiigooduna waa inuu gacanteeda soo galaa, tan macnaheedu waa in hooyooyinka xitaa la dilo, sababtoo ah iyagaa dhalay soona barbaariyay masaska argagixisada ah ee aan la dagaalameyno, waana in la laayo si aaney u dhalin masas kale” sidaas ayey tidhi haweeneydan u muuqata mid cadho iyo naceyb uu ku gaamuray.
Hadalka haweeneydan cadowtooyadeeda muujisay ayaa lagu tilmaamey mid xasuuq ku baaqaya, maadaama ay leedahay Falastiiniyiintu waxey mudan yihiin in la laayo.
Dadka haweeneydan sida kulul ugu jawaabey ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan, waxa uuna yidhi isagoo ka hor hadlayey baarlamaanka dalkiisa, cadho kululna ay ka muuqatey wejigiisa, ‘Haweeney israa’iiliyad ah ayaa tidhi, waa in haweenka reer falastiin la dilaa, waxeyna ka tirsan tahay baarlamaanka dalkaas, hadaba waa maxey farqiga u dhaxeeya fikirkeeda iyo fikirkii Hitler ? ‘ ayuu yidhi Erdogan oo aad uga xumaa hadalka haweeneydan..
” Hadii hadaladaasi ay kasoo yeedhi lahaayeen qof Falastiini ah, dunida oo idil ayaa is ogeynsiin laheyd ‘ ayuu yidhi Erdogan isagoo si dadban u duraya reer galbeed hoosaasiya Yahuuda iyo falalkooda arxan daradi ah.
Waxaa xusid mudan in weerarada mudda socda ee Isra’il ku gumaadeyso shacabka Gaza in ay galaafteen caruur iyo haween badan oo reer Falastiin ah, haweeneydan cadowtooyadeeda cadeysatey ayana ka tirsan xisbiga ultra-nationalist-ga ah ee Jewish Home party kaasoo ka mid ah kuwa ugu mayalka adag ugu naceybka badan Yahuuda.
Afkashacabka.cim
Contact@afkashacabka.com
Haweenay Caan Ka Ah Dalka Israil Oo Ku Baaqday In La Dabarjaro Falastiin Iyo Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Ka Gubtay.
Waxaana haatan naceybkeeda soo bandhigtay haweeneey caan ka ah Yahuuda kana tirsan Baarlamaanka taasoo lagu magacaabo Ayelet Shaket, waxa ayna haweeneydani si aan ganbasho laheyn u tidhi