"Waxa Innagu Jira Damiir Iyo Dareen Iimaaniya Oo Aynu Kaga Jawaabeyno Dadkaa Muslimiinta Ah Ee Qaza Lagu Leynayo" Sh. Aaden Siiro

0
Saturday July 19, 2014 - 11:58:00 in by Super Admin
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Innagu Jira Damiir Iyo Dareen Iimaaniya Oo Aynu Kaga Jawaabeyno Dadkaa Muslimiinta Ah Ee Qaza Lagu Leynayo" Sh. Aaden Siiro

    Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay xasuuqa dawladda Yuhuuddu ku hayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay xasuuqa dawladda Yuhuuddu ku hayso

Muslimiinta reer Falastiin, waxaanu sheegay inay muhiim tahay in Muslimiinta reer Somaliland ay dadkaasi u duceeyaan si dhibaatada lagu hayo uu Alle uga dul-qaado, maadaama oo tobankii dambe ee bisha Ramadaan lagu jiro.


 

Sheekh Aaden Siiro, ayaa guud ahaan khudbaddii jimcaha ee shalay ku soo qaatay dhibaatada Yuhuuddu ku hayso shacabka reer Falastin iyo sida uu ILAAHAY (SW) u barakeeyay dhulkaa ay ciidamada Yuhuuddu ku daadinayaan dhiigga Muslimiinta.

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, oo inta badan khudbadihiisa ku soo qaada arrimaha la xidhiidha waxa xilligaasi taagan, ayaa sidoo kale ka hadlay sida beesha caalamka, gaalo iyo Islaamba loo daawanayo dhibaatada iyo duqaymaha Israel ku hayso Qaza ee aan waxba looga qabanayn, halka dalka sheegta inuu adduunka ugu awood weyn yahayna uu taageeray gantaalada Israel ku garaaceyso Qaza.

Sheekh Aaden Siiro, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Israel waxay weerar adag ku qaaddey Magaalada Qaza, oo ay ku nool yihiin Milyan iyo 3 boqol oo kun Oo Muslimiin ahi, iyada oo dunida oo dhami si toos ah u daaweynayso, dagaalka lagu qaaday Magaalada Qaza, maxay Israel uga jeeddaa weerarka ay weerarayso dadkaa jilicsan ee Muslimka ah”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay khasaaraha ka dhashay duqeymaha diyaaradaha Yuhuuddu ku hayaan Qaza "1200 oo guri-bay la eegteen 1200 gantaal oo deganaayeen dadkaa Muslimiinta, guri walba dhulkay la simeen, iyada oo carruurtoodii, hooyooyinkii iyo odayaashii ay ku jiraan. Wararkii u dambeeyay, waxay sheegayaa in 260 qof ku shahaado qaateen (Dhinteen) 2050 qof-na ay dhaawac yihiin, dadkaa Israel leylayso”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Waxa ka hadlay nimankaa mujrimiinta ah ee adduunka hor-fadhiista ee Maraykanka ay ku sheegaan, waxay sheegeen inay Israel xaq u leedahay inay difaacdo nafteeda (Subxaannalaah)”

Sheekhu waxa uu tilmaamay in waxa u banaan Muslimiinta reer Somaliland ay tahay inay u duceeyaan, maadaama oo uu ku jiro damiir iyo dareen iimaaniya oo diidaya falalka Israel ee ka dhanka ah Muslimiinta Qaza "Iyada oo aynu maanta dadkeena itaalkiisa ognahay oo aynu ciidda cunayno baahida inna haysata awgeed, haddana waxa innagu jira damiir iyo dareen iimaaniya oo aynu kaga jawaabeyno dadkaa Muslimiinta ah ee la leynayo. Waxaana ka mid ah inaynu ka hadallo dhibtaa Muslimiinta haysata, waxa ka mid ah inaynu u duceyno, maadaama oo tobankii dambe ee Ramadaan lagu jiro oo aynu ILAAHAY (SW) aynu u barino dadkaa maatida ah ee jilicsan ee la leynayo in ILAAHAY u gargaaro..”

Sheekh Aaden Siiro, waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatada ay dalka ku hayaan dadka Ajaanibka ah ee reer Itoobiya, gaar ahaan qoomiyadda Oromada oo aad caasimadda ugu soo badanaya, waxaanu u soo jeediyey dawladda inay amarto in dadkani ay dalkooda ku noqdaan "Waar Ma waxaad kari la’dihiin dalkiina ku noqda (Dadka Ajaanibka ahow), mar kaliya ayuu Ismaaciil Yare la hadlay markuu wasaaradda arrimaha gudaha joogay, gaadiidkii galbeedka ayaa la kala waayey (Wakhtigaa), laakiin guri walba way hor taagan yihiin imika” ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaasi raaciyey "Ummadan (Itoobiyaanka) Ilaahay-baa innaga haya ee sidan ku socon mayno (Tusaale).. nin-baa igu yidhi waxaanu ka baxnay Harta Sheekha, markaasi ayaanu Itoobiya ku aragnay buu yidhi nin 95 jir ah oo Oromo ah oo aan weligii Sonkor arag, bal ka waran haddaad isku soo deyso nin aan sonkorba arag weligii”

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu muwaadiniinta u soo jeediyay inay dadka ajaanibka ah ka daayaan lacagta ay siiyaan (Sadaqo ahaan), maadaama buu yidhi nin kasta oo Miskiin ajaanib ah lacag siiya uu ka dadka ugu xigaa u baahan yahay  "Waar dadkan ka daaya lacagta, dadkeeniibaa bakhtiyayee” ayuu yidhi.




Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com