Hogamiyayasha calamka oo Ukraine ugu baqay inay ogoladaan baadhitaan lagu sameyo qaabkii ay diyaaradi rakabka siday u dhacday

0
Saturday July 19, 2014 - 13:32:22 in by Hargeysa Office
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogamiyayasha calamka oo Ukraine ugu baqay inay ogoladaan baadhitaan lagu sameyo qaabkii ay diyaaradi rakabka siday u dhacday

    Hoggaamiyaasha caalamka ayaa ugu baaqay falaagada bariga Ukraine in ay u ogolaadaan kormeerayaasha in ay si aan xaddidnayn ay u gaadhaan goobta ay Khamiistii ku dhacday diyaaradii rakaabka ee ay saarnayeen ku dhowaad 300 Oo qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaasha caalamka ayaa ugu baaqay falaagada bariga Ukraine in ay u ogolaadaan kormeerayaasha in ay si aan xaddidnayn ay u gaadhaan goobta ay Khamiistii ku dhacday diyaaradii rakaabka ee ay saarnayeen ku dhowaad 300 Oo qof.

Kormeerayaasha ka socday midowga yurub ee loo diray goobta ay gacanta ku hayaan falaagada dalka Ukrain ee sida muuqata lagu soo riday diyaaradii Malaysia ayaa sheegaya in rag hubaysan ay ka hor istaageen in ay gaadhaan ama ay arkaan burburkii diyaarada dhacday.

Afhayeenka kooxda kormeerayaasha ayaa waxa uu sheegay in rag hubaysan oo qaarkood saqraansan ay is hortaaageen iyagoo weliba buu yidhi mid ka mid ah uu rasaas kor u ridayey.

Kormeerayaasha ayaa doonayey in ay halkaas ka sameeyeen xeendaab, si loo bilaabo baadhitaano loona soo saaro maydadka.

Dhinaca kale madaxweynaha maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in diyaarada lagu soo riday gataal, gantaalkana laga tuuray dhulka ay maamulaan falaagada Ruushka uu taageero.

Barack Obama Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxda caalamka ay jawaabo ka bixinayeen diyaarada dhacday.

Waxaana ay hogaamiyaal badan oo caalamka ahi ay doonayaan in la baadho sababta keentay inay diyaaradaasi soo dhacdo iyaga oo ka shakisan inay diyardaasi ay soo rideen kooxda falaagada ah ee gacanta ku haya goobta ay diyaaradaasi ku soo dhacday wallow kooxdaasi ay sheegeen inaanay wax lug ah ku lahayn diyaaradaasi soo dhacday

 

Contac@afkashacabka.com