DAAWO:Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo Sheegay Inuu Xukuumada Kala Shaqayn Doono Horumarinta Gobolada Bariga Somaliland

0
Saturday July 19, 2014 - 16:43:45 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO:Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo Sheegay Inuu Xukuumada Kala Shaqayn Doono Horumarinta Gobolada Bariga Somaliland

    DAAWO: xildhibaan saleebaan cali koore oo sheegay inuu xukuumada kala shaqayn doono horumarinta gobolada bariga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAAWO: xildhibaan saleebaan cali koore oo sheegay inuu xukuumada kala shaqayn doono horumarinta gobolada bariga Somaliland

Xildhibaan saleebaan cali (koore) oo ka midaa xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland isla markaana xildhibaanada mucaaradka ah ee inta badan eedaymaha xukuumada u soo jeedin jiray ayaa manta mar uu warbaahinta la hadlay waxa uu cadeeyey inuu ku biiray xukuumada Somaliland isla markaana uu kala shaqayn doono hawlaha horumarinta gobolada bariga Somaliland gaar ahaana gobolka uu madaxweynuhu dhawaan magacaabay ee xaysimo magaalada madaxdiisuna tahay taleex

Xildhibaan saleebaan cali koore oo wax laga waydiiyey halka ay ku danbeeyeen mucaaradadii iyo dhaliilihii uu inta badan xukuumada madaxweyne siilaanyo u soo jeedin jiray ayaa waxa uu sheegay in siyaasadu ay is bedesho isla markaana uu iminka dhanka xukuumada yahay isla markaana uu iyada la shaqayn doono

 

Xildhibaan saleebaan cali koore oo ahaa xildhibaanada aadka u canbaarayn jiray xukuumada isla markaana ka dayrin jiray qaabka hogaamineed ee ay xukuumadu dalka u hogaamiso sidoo kalena ka mid ahaa siyaasiyiintii ku bahawday madashii wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa waxa uu iminka ku biyo shubtay xukuumada Somaliland waxaana uu kala shaqayn doonaa hawlaha horumarineed ee ay xukuumadu dalka ka wado


Cabdiraxman cilmi xirsi

Afkashacabkanews.com

Hargeisa office