Wasiirka Wasarada caafimaadka Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariico laga hir galiyey Cisbitaalka guud Ee magalada Hargaysa

0
Saturday July 19, 2014 - 17:16:07 in by Hargeysa Office
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Wasarada caafimaadka Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariico laga hir galiyey Cisbitaalka guud Ee magalada Hargaysa

    Wasiirka Wasarada Caafimaadka Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariico laga hir galiyey Cisbitaalka guud Ee magalada Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasarada Caafimaadka Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariico laga hir galiyey Cisbitaalka guud Ee magalada Hargaysa

wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciisme Axmed ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga fuliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada xadhiga lagaga jarayey mashaariicdan laga hir geliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo ka dhacday xarunta cusbitaalka ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaarada caafimaadka, guddida caafimaadka cusbitaalka guud, hay’ada fulisay mashaariicdan marti sharaf kale.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed ka hadlay mashaariicdan laga fuliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay "munaasibadan muhiimka ah ee aynu ku furayno qaybaha kala duwan ee cusbitaalkan ku soo biiray oo ay ka mid tahay dhismaha maamulka oo wasaaradu ay ku samaysay dib u habayn, qaybta caruurta ee u baahan xanaanada gaarka ah, qolalkaagu kordhiyey meelaha maydka lagu maydho, waxaanan aad ugu mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hir gelinta qaybaha kala duwan ee lagu soo kordhiyey cusbitaalkan.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Xaglatoosiye

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa sheegay in qaybaha lagu kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ay u dhamaystiran yihiin qalabkii ay u baahnaayeen iyo shaqaalihiiba, waxaanu tilmaamay inay dhawaan dhamaystireen qorshaha lagu dhisayo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Axmed Xaaji Cumar ayaa waxa uu sheegay in qaybaha cusub ee lagu soo kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ay wax weyn ka tari doonaan hawlaha guu qabto cusbitaalkani, waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay qaybta caruurta oo uu sheegay inay wax badan dabooli doonto, isaga oo tilmaamay in maanta lagu wareejin doono ambalaasyo cusbitaalka u shaqayn doona.


Contact@afkashacabka.com