Daawo:Cuqasha, waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Sacad Yoonis ee Gobolka Togdheer oo si Buuxda u taageeray Xildhiban Bukhaari iyo Xukumadda Una Digay Odayaal Haben Hore Warbahinta ka Duray Xildhibanka Xaalna ka bixiyey
sidoo kalena wax lagu xumaado kutilmaamay hadalo wax loogu dhimayo sumcada iyo shakhsiyadda Xildhibaanka oo ay warbaahinta ka sheegeen xubno xisbiga WADANI ka tirsani.
Odayaasha iyo Dhalinyaradan oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Burco ayaa xusay inaanay cidna aflagaadaynayn isla markaasna ka xun yihiin odayaal habeen hore Burco ka hadlay oo sheegay inay xaal ka bixinayaan hadalo siyaasadeed oo xildhibanku xisbiga waddani ku duray, xisbigaasina uga jawaabay.
Xildhibaan Saleban Bukhaari ayaa todobaadkii hore warbaahinta ka sheegay inxisbiga Waddani aanu qaranimada Somaliland utaagnayn islamarkaasna uu doonayo midnimo soomaaliyeed shacabkana uga digay waxyaabaha qaran dumisnimada ah ee xisbigaasi maaggan yahay, isagoo tusaale u soo qaatay wasiiro ka tirsan somaliya iyo raisulwasaare kuxigenka Somalia oo xidhiidh joogto ahi dhex maro guddomiyaha iyo masuliyinta kale ee xisbiga waddani, iyadoo beesha xildhibanka ee degta deegaamada Ceel afweyn, Oog iyo Burco ba sheegeen inay la qabaan xildhibanka tuhunkaasi, isla markaasna anay jiri Karin cid xaal ka bixin karta hadalkaasi xildhibaanka, sidoo kalena uu yahay xildhibaan Bulshadii soo dooratay Ku metelaya waxyaabaha uu odhanayo iyo hawlaha qaranka oo dhan.
Afkashacabka.com
Burco / Office
Contact@afkashacabka.com
Daawo:Cuqasha, waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Sacad Yoonis ee Gobolka Togdheer oo si Buuxda u taageeray Xildhiban Bukhaari iyo Xukumadda Una Digay Odayaal Haben Hore Warbahinta ka Duray Xildhibanka Xaalna ka bixiyey
Cuqasha, waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Sacad Yoonis ee Gobolka Togdheer ayaa si Buuxda u taageeray hadaladii uu ku duray xisbiga Waddani xildhiban Saleban Cawad Cali Bukhaari,