Hordhac: Liverpool v Arsenal – Reds Miyay Markii 3aad Oo Isku Xigta Garaaci Doontaa Arsenal Mise Gunners Ayaa Wadada Guusha Ku Soo Laaban Doonta?

0
Sunday August 27, 2017 - 10:51:42 in by salman abdi
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool v Arsenal – Reds Miyay Markii 3aad Oo Isku Xigta Garaaci Doontaa Arsenal Mise Gunners Ayaa Wadada Guusha Ku Soo Laaban Doonta?

    Kulankaan waa mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan. Ka soo bilow Michael Thomas sannadii 1989 ilaa iyo Geoginio Wijnaldum sannadkan 2017, oo ay u dhaxeeyeen seddexleydii Robbei Fowler uu ku dhaliyay afar daqiiqo gudaheed ama afartii gool ee uu An

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaan waa mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan. Ka soo bilow Michael Thomas sannadii 1989 ilaa iyo Geoginio Wijnaldum sannadkan 2017, oo ay u dhaxeeyeen seddexleydii Robbei Fowler uu ku dhaliyay afar daqiiqo gudaheed ama afartii gool ee uu Andrey Arshavin ku dhaliyay hal kulan iyo weliba waqtiyo kale oo xusuus weyn leh, marnaba kulankaan ma noqdo mid lagu caajiso.

Kulanka: Liverpool v Arsenal

Garoonka: Anfield

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Martin Atkinson

Kulankaan waa mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan. Ka soo bilow Michael Thomas sannadii 1989 ilaa iyo Geoginio Wijnaldum sannadkan 2017, oo ay u dhaxeeyeen seddexleydii Robbei Fowler uu ku dhaliyay afar daqiiqo gudaheed ama afartii gool ee uu Andrey Arshavin ku dhaliyay hal kulan iyo weliba waqtiyo kale oo xusuus weyn leh, marnaba kulankaan ma noqdo mid lagu caajiso.

Waxaan filashadu ay tahay in xiisaha uu kulankaan leeyahay uu yeesho kulanka maanta ee Anfield. Liverpool oo uu ka maqan yahay Philippe Coutinho waxa ay weli u muuqdaan kuwa awood u leh inay dhaliyaan goolal cajiib ah ama in laga dhaliyo goolal daciif ah. Arsenal oo laga yaabo inuu u soo laabto Alexis Sanchez ayaana sameyn karta inay ku ciqaabto Liverpool difaac xumadooda ama inay weerarka Liverpool albaabka u balaqdo oo lagu xasuuqo Anfield.

Liverpool waxa ay dooneysaa inay markii seddexaad oo isku xigta horyaalka Premier League ay garaacdo Arsenal kulanka maanta ka dib markii ay lixda dhibcood ka soo qaateen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka Arsenal ay dooneyso inay guul ku ilowdo wixii ku soo qabsaday garoonka Stoke City isbuucii la soo dhaafay.


MAXAA KA CUSUB?

Liverpool ayaa qiimeyn doonta xaalada caafimaad ee Trent Alexander-Arnold kaasoo dhaawac uga baxay kulankii Hoffenheim iyo Emre Can oo dhibaato ka qaba jilibka.

Xiddiga aan mustaqbalkiisa la hubin ee Liverpool Philippe Coutinho ayaa weli ku jira liiska dhaawacyada Liverpool si la mid ah Adam Lallana iyo Nathaniel Clyne.

Xiddiga Arsenal Alexis Sanchez ayaa ciyaari kara kulankiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka ka dib markii uu ka soo kabsaday calool xanuun.

Daafaca dhexe Laurent Koscielny ayaa isna diyaar ah ka dib markii uu soo dhameystay seddex kulan uu ganaax ku maqnaa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-3-3): Mignolet; Alexandre-Arnold; Matip, Lovren, Robertson; Can, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Sadio Mane.

Arsenal (3-4-2-1): Cech; Kolasinca, Koscielny, Mustafi; Bellerin, Xhaka, Ramsey, Oxlade-Chamberlain; Sanchez, Ozil; Lacazette.

MA OGTAHAY?

Liverpool ayaa badisay labadii kulan ee Premier League ee ay la ciyaareen Arsenal xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. Ma aysan ka badinin Gunners seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah tan iyo markii ay afar kulan oo isku xigta ka badiyeen intii u dhaxeysay 1996 iyo 1998.

Kulamada u dhaxeeya labadaan kooxood waxaa ka soo baxay 17 gool oo Premier League ah oo la iska dhaliyay daqiiqada 90aad ama waqtiga dheeri ah.