Guddoomiye Baashe Ceebee Kursigiisii Iyo Xildhibaannadii U Codeeyeyba. Qore: A.A.Omar [Wayab]
Oggolaanshahaa Baashe, waa mid dhaawac ku ah sharciyaddii Golaha aqlabiyaddiisu ku doorteen, geesta kale marka laga eegana waxa uu libin aanay lahayn faraqa Oggolaanshahaa
Baashe, waa mid dhaawac ku ah sharciyaddii Golaha aqlabiyaddiisu ku
doorteen, geesta kale marka laga eegana waxa uu libin aanay lahayn
faraqa
Baashe
waxa uu iska tuuray haadaan aan ka soo noqosho lahayn, kadib markuu si
indho la’aan ah u dhex galay shabakaddii xuubka caarada ee ay ku
meegaaraan xildhibaannadii uu hoggaaminayey Musharraxa Xisbiga Wadddani
Mudane C/raxmaan Cirro oo isaga hore ay ku ugu wareejiyeen
Mus-dembeedka Xisbigiisu furayaasha shabakadda Xuub caaro.
Waxa
bahdalaad ku ahayd dhammaan xildhibaannadii ka soo jeeday xisbiga
Kulmiye ee ku taageeray codkooda Baashe Maxamad Faarax , maalintii
caddeydna guusha gacanta u saaray, iyagoo u maray sifaha sharci ee
Goluhu ku kala calaf qaadaan wax kasta oo ay isku qabtaan, ayaa isagoo
Baashe ku dhex jira shabakadda xuub caaro uu Xildhibaankii uu ka
guuleystay
hortiisa isagoo barbar taagan ka yidhi, ninka 39ka cod helay ee ku guuleystay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waa aniga, haseahaatee anigoo maslaxadda Golaha iyo dalkaba eegaya waxan uga tanaasulay walaalkay Baashe, taasoo aanu isna,waa Baashee ka celin habayaraatee wax jawaab ah!!!
hortiisa isagoo barbar taagan ka yidhi, ninka 39ka cod helay ee ku guuleystay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waa aniga, haseahaatee anigoo maslaxadda Golaha iyo dalkaba eegaya waxan uga tanaasulay walaalkay Baashe, taasoo aanu isna,waa Baashee ka celin habayaraatee wax jawaab ah!!!
Oggolaanshahaa
Baashe, waa mid dhaawac ku ah sharciyaddii Golaha aqlabiyaddiisu ku
doorteen, geesta kale marka laga eegana waxa uu libin aanay lahayn
faraqa ugu guntay oo uu u geliyey taariikhda Mus-dembeedka Xisbiga
Waddani oo iyagu ahaa kuwii soo maleegay shabakadda lagu dabay iyo
Musharraxooda, waana qorshe ku talo gal ah oo berri ka maalin ay
damacsan yihiin inay ka dhigtaan keyd siyaasadeed oo hadday gar-naq ku
saabsan doorshada Madaxtooyadu timaad ay ku gorgortamaan, inkastoo
qiilkoodu yahay mid bilaa daliil ah ama aan lahayn raad-raac sax ah oo
yeelan kara tixgelintiisa.
Arrinta
kale ee uu sida fudud kelidii uu u qaatay go’aankeeda oo aan odhan karo
baadil iyo xaq-darro ayey ku ahayd intii u codeysay iyo Xisbigoodaba,
waxay ahayd, isagoo jaalayaashii la halgamayey ee u halgamayey ee lahaa
Xisbiyahano iyo Mudanayaalba ka dhigay dad doonayey xuquuq aanay lahayn,
isla markaana duudsiyey xuquuq cid kale leedahay, kadib markuu Cirro
iyo Talyanle dhexda u galay ee uu shaashadahana kasoo muuqdeen, iyadoo
uu dhiggiisii uu sida sharciga uga badiyey leeyahay, waa aniga Mudanaha
ku guuleystay u tartankii jagada Guddoomiyaha ee helay 39ka cod, waase
uga tanaasulay saaxiibkay Baashe ee sidaa muslin allow ogaada!!!
Tallaabadan
u dembeysay ee uu u qaatay Baashe waa mid lid ku ah karaamadiisa,
kursigiisa, Mudanayaashii u codeeyey iyo Xisbigooda Kulmiye iyo dhammaan
bulshadii reer Somaliland ee taageersanaa ku dhaqanka sharciga dalka oo
ahayd, in tartankii isaga iyo Talyanle dhexmaray uu ahaa mid uu kaga
guuleystay, loona maray sifihii sharci ee uu goluhu ku kala baxayey,
sidaa darteed, waxa hadda Baashe ay uga fadhiyaan wixii uu ku qanci
lahaa akhyaarta aan kor kusoo xusay, inkastoo ay ii muuqato inaanu xataa
dheymo u heli Karin, balse waxaaban ka shaki qabaa in Baashe laga soo
furo shabakaddi xuub caaro iyo in kale iyo in laga saxeexayba inuu rasmi
ahaan xubin uga noqdo shabakaddooda iyo kaalinta labaad ee
mus-dembeedka Xisbiga Waddani, marka dib loo dheehdo lana akhrio
muuqaalladii Cirro, Baashe iyo Talyanle.
wayab82@yahoo.com
Guddoomiye Baashe Ceebee Kursigiisii Iyo Xildhibaannadii U Codeeyeyba. Qore: A.A.Omar [Wayab]
Oggolaanshahaa Baashe, waa mid dhaawac ku ah sharciyaddii Golaha aqlabiyaddiisu ku doorteen, geesta kale marka laga eegana waxa uu libin aanay lahayn faraqa