Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Sheegay Inuu Ixtiraamayo Go'aanka Maxkamadda Sare Ee Kenya

0
Saturday September 02, 2017 - 10:27:28 in by Burco Office
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Sheegay Inuu Ixtiraamayo Go'aanka Maxkamadda Sare Ee Kenya

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Sheegay Inuu Ixtiraamayo Go'aanka Maxkamadda Sare Ee Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Sheegay Inuu Ixtiraamayo Go'aanka Maxkamadda Sare Ee Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dib doorashadiisii bishii August waxba kama jiraan laga soo qaaday ayaa ka hadlay go’aanka Maxkamadda sare, isagoo sheegay inuu ixtiraamayo.


Khudbad uu ka jeediyay Telefishinka ayuu sheegay in xataa hadii uusan ku qanacsaneyn go’aanka Maxkamadda uu ay muhiim tahay inuu ixtiraaho.

"Waxaa muhiim ah in la ixtiraamo xukunka sharciga , xataa hadii aadan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda sare”ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Mr Kenyatta ayaa ku baaqay in la muujiyo nabad iyo degenaan, isagoo shacabka Kenya ka dalbaday inay is dejiyaan.

"Deriskaagu wuxuu ahaan doonaa deriskaaga, iyadoon loo eegin wixii dhacay, Fariinta aasaasiga ah ee aan maanta u dirayo qof walba oo Kenyaan ah waa nabad,waa in dhamaanteen aan nabad ahaanaa”ayuu yiri Uhuru Kenyatta

Uhuru Kenyatta oo 55 jir ah ayaa sheegay inay diyaar u yahay inuu dib ugu laabtaan dadweynaha reer Kenya, iyagoo wata ajande isku mid ah oo ah kii ay gaarsiiyeen.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku baabi’ineyso natiijadii doorashadii 8 August, waxaana ay ku amartay in dib loogu noqdo doorashada oo muddo 60 cisho gudahood lagu qabto doorasho labaad.