Maxkamad Spain ku taalla oo su'aalo waydiinaysa 700 oo meeyar

0
Thursday September 14, 2017 - 09:13:53 in by Burco Office
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Spain ku taalla oo su'aalo waydiinaysa 700 oo meeyar

    Maxkamad Spain ku taalla oo su'aalo waydiinaysa 700 oo meeyar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad Spain ku taalla oo su'aalo waydiinaysa 700 oo meeyar

Dacwad ooge reer Spain ah ayaa u yeeray 700 oo ruux oo meeyaro ka ah gobolka Catalonia, si ay maxkamad uga soo muuqdaan ugana jawaabaan taageerada ay u hayaan aftidii madaxbannaanida ee la mamnuucay.

Jose Manuel Maza ayaa sheegay in la xiri doono hogaamiye kaste oo maxkamadda imaanwaaya isaga oo horay u ogolaaday in uu gacan ka gaysan doono qabsoomidda codaynta bisha soo socotada dhici lahayd.

Dacwad oogeyaasha ayaa markii hore amray in lala wareego waraaqaha codaynta iyo qalabyada kale ee aftidaas loo adeegsan lahaa.

In gobolka Catalonia uu u codeeyo ka gu'itaanka Spain ayaa loo arkaa mid sharcidarro ah, waxaana laashay maxkamadda dastuuriga ah.

Kumannaan qof oo reer Catalonia ah ayaa isugu soo baxay maalinta qaran ee Catalonia oo ku beegnayd 11 SabtembarLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionKumannaan qof oo reer Catalonia ah ayaa isugu soo baxay maalinta qaran ee Catalonia oo ku beegnayd 11 Sabtembar

Laakiin maamulka Catalonia ee raba xoriyadda ayaa sheegay in aftida la qorsheeyay 1 Okroobar loo qaban doono sidii horay loo qorsheeyay.

Haddii aftidaas la qabto dacwadogeyaashu waxay masuuliyiinta dawladda hoose ku soo oogi doonaan in ay si xun u adeegsadeen dhaqaalihii dadwaynaha.