Xoghayaha Arrimaha Dibedda Dalka Maraykanka Oo Beeniyay In Uu Is-casilayo

0
Thursday October 05, 2017 - 09:01:18 in by Burco Office
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Dalka Maraykanka Oo Beeniyay In Uu Is-casilayo

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Dalka Maraykanka Oo Beeniyay In Uu Is-casilayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Dalka Maraykanka Oo Beeniyay In Uu Is-casilayo

Rex Tillerson oo ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka oo todobaadkan hadalheyntiisu badnayd ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo dhawr ah.

Waxaa ka mid ahaa in uu si xoog ah u beeniyay warar warbaahinta kusoo baxay oo ku saabsan in uu is casilayo kadib markii ay is qabteen madaxweyne Donald Trump.


Tillerson ayaa teegeero mug leh siiyay siyaasadaha madaxweyne Trump, wuxuuna sheegay in uu xilka sii hayn doono illaa inta madaxweynaha uu ku kalsoonyahay shaqadiisa.

Madaxweyne Trump ayaa todobaadkan fariimo uu Twitter-ka soo dhigay waxa uu ku canaantay Tillerson, kuna yiri "Tillerson waqtiga ha isaga lumen wadahadalada aad kula jirto Kuuriyada Waqooyi”.

Warar kusoo baxay warbaahinta Maraykanka ayaa sheegayay in madaxweyne ku xigeenka Mike Pence uu soo kala dhexgalay Trump iyo Tillerson, taas oo uu beeniyay.