Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabineysa Gantaal Cusub Oo Nooca Riddada Dheer Ah

0
Saturday October 07, 2017 - 09:17:57 in by Burco Office
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabineysa Gantaal Cusub Oo Nooca Riddada Dheer Ah

    Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabineysa Gantaal Cusub Oo Nooca Riddada Dheer Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabineysa Gantaal Cusub Oo Nooca Riddada Dheer Ah

Dowlada Mareykanka iyo khubarro kale oo caalami ah ayaa isku raacay in ay u badantahay in Waqooyiga Kuuriya ay maalmaha fooda nagu soo hayo ay tijaabin doonto gantaalkeedi ugu danbeeyay ee ah kuwa riddada dheer.


10-ka Bisha October ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Kuuriyada Waqooyi laga xuso, sannad guuradi 72-aad ee kasoo wareegatay marki la aas-aasay Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasi.

Sidoo kale 9-ka bisha October ayaa ku beegan marki ugu horreysay ee ay Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalada ridada dheer, sanadki 2009.

Sue Mi Terry oo ah sarkaal horay uga tirsanaan jiray CIA-da Mareykanka ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay mar walbaa tijaabiso gantaalo, xilliyada dalkaasi ay ka jiraan dabaaldagyada qaran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan u bixiyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi naaneysta ah (Ninka Gantaalka).