Dagaal Afka Ah Oo Ka Dhex Qarxay Xaasaska Madaxweyne Donald Trump

0
Thursday October 12, 2017 - 10:42:21 in by Burco Office
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Afka Ah Oo Ka Dhex Qarxay Xaasaska Madaxweyne Donald Trump

    Dagaal Afka Ah Oo Ka Dhex Qarxay Xaasaska Madaxweyne Donald Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Afka Ah Oo Ka Dhex Qarxay Xaasaska Madaxweyne Donald Trump

Xaaskii ugu horeysay ee Donald Trump uu guursaday ee Ivana, ayaa bilowday dagaal afka ah, ayadoo sheegtay in xaaska hadda ee Melania aysan ahayn marwada koobaad ee Mareykanka.


Ivana ayaa shaaca ka qaatay in ay xiriir toos ah la leedahay Aqalka Cad, balse ay ku dadaaleyso in ay yareyso xiriirkaa si uusan masayr uga dhex dhalan Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo.

Melania waa xaaska seddaxaad ee Trump, Waana markii ugu horeysay ee Ivana ay si aan qarsoodi ahayn isu dhaafsadeen hadallo sida seefta u duulaya.

Xaaskii hore ee Trump laguma garan jirin in Melania ay dadka hortooda ku hardamaan, balse Ivana waxay dagaal afka ah la gali jirtay xiiskii labaad ee Trump, ee Marla.

Seddaxdaba waxay ku sugnaayeen xafladdii caleemo saarkii madaxweyne Trump ee bishii January.

Sanadkii tagay, Marla, xaaskii labaad ee Trump, waxay ka qeybgashay tartan qoob ka ciyaar, si fudud ayaana looga badiyay. Ivana oo daawaneysay waxay tiri "weligeed kuma aysan farxin nolosheeda”.

Ivana ayaa markale isbuucan ku celisay in Marla Maples ay tahay "qof istustus badan” oo weligeed aan waxba ku guuleysan. Marla Kamaysan jawaabin hadalkaa.

Balse Melania ka maysan aamusin hadalka Ivana ee ayada ku socday. Markii ay aragtay weerarka afka ah ee kaga imaanaya dhangaladeedii hore, Melania waxay soo saartay qoraal ay isku difaaceyso:

"Mrs Trump waxay dejisay Aqalka Cad wiilkeeda Barron iyo madaxweynaha,” ayey tiri.

"Waan jeclahay in aan ku noolaado Washington DC, waana la igu sharfay in aan noqdo marwada koobaad ee Mareykanka,” ayey hadalkeeda ku dartay.

"Waxay qorsheyneysaa in doorkeeda ay leedahay u adeegsato caawinta caruurta, ee buugaag ma iibineyso,” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Malania, xaaska hadda ee Trump.

Halkan waxaan ku soo koobeynaa sheekadooda iyo guurkii Trump.


Xaaskii koobaad

Ivana Trump (magaceeda dhexe waa: Zelnícková)

Waxay is qabeen 1977-1992

2014-kii ayey ku kulmeen tartan golfLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage caption2014-kii ayey ku kulmeen tartan golf

Ivana oo 1949-kii ku dhalatay dalka Czechoslovakia, waxay Donald Trump is qabeen 15 sano. Waa hooyada seddax ka mid ah caruurtiisa, Donald Jr, Ivanka iyo Eric.

Gabadheeda Ivanka waxay xafiis u gaar ah ku leedahay Aqalka Cad, waxayna caawisaa aabeheed.

Ivana iyo Trumo waxay kala tageen ka dib markii uu soo baxay war sheegayay in Trump uu leeyahay dumar kale oo saaxiib la ah. Wuuna diiday in uu arrintaa ka hadlo.

Intii ay socotay doodii furriinta, Ivana waxay sheegtay in Trump uu kufsaday, balse markii dambe dacwadaa way la noqotay.

Donald Trump ayaa 1992-dii sheegay in dhammaan eedaha ay ahaayeen kuwo la been abuuray.

Donald Trump malaayiin dollar ayaa uga baxday hannaankii furriinka. Ivana ayaa dalbatay lacag ka badan middii lagu heshiiyay, waxaana si wayn uga warramay dhammaan warbaahinta Mareykanka.

Sanadkii 1996-dii waxay sameysay filim loogu magacdaray Kooxda Xaasaska koobaad. Waxay ku celisay hadal lagu garanayay oo ahaa "ha is waalin ee wax kasta samee”.

Ka dib laba nin oo kale ayaa guursatay Ivana, waxayna xiriir dhow la sii lahayd Trump.

Donald Trum ayaa markaa ka dib guursaday Marla Maples.


Xaaskii Labaad

Marla Maples

Waxay is qabeen 1993-1999

Sawirka xafladoodii arooska ee 1993Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionSawirka xafladdii0 arooskooda ee 1993

Marla Maples waxay ku dhalatay gobolka Georgia ee Mareykanka, 1963-dii, 14 sano ayey ka yartahay Ivana. Waxay Trump u dhashay hal gabar oo lagu magacaabo, Tiffany.

Waxay u tartami jirtay quruxda, waxayna jili jirtay aflaanta iyo xayeysiimaha.

Marla waxay ka dhuuman jirtay warbaahinta in ay ku arkaan ayadoo Trump la socota, laakiin waxay shaashadaha qabteen markii ay fasax u aaday magaalo uu Trump ku dalxiisayay.

Xilligaa waxaa la soo weriyay in ay Ivana ku tiri "Magaceygu waa Marla, waxaan jeclahay saygaaga ee adiga ma jeceshahay?”. waxayna ahayd 1990-kii.

"Yaanan kugu arkin agtiisa! naga fogow!” ayey ku jawaabtay Ivana.

Marla markii ay ka tagtay Trump waxay u wareegtay gobolka Kalifornia.


Xaaska seddaxaad

Melania Trump (oo loo yaqaano Knavs)

Waxay is guursadeen 2005-tii

Donald iyo Melania TrumpLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Malania waxay ku dhalatay deegaanka Melanija Knavs ee dalka Slovenia, 1970-kii. Waxay todobo sano ka yartahay Marla, sidoo kale 21 sano ayey ka yartahay Ivana.

saygeeda, Donald Trump, wuxuu ka wayn yahay 24 sano.

Waxay magaceeda bedeshay 1990-kii oo ay ka dhigtay Melania, xilligaas ayey gashay Mareykanka.

Waxay Trump ku baratay xaflad dhar lagu xayeysiinaayay. Xilligaa, markii uu weydiiyay lambarkeeda way u diiday, kiisan ayeyna ka qaadatay.

Waxay u dhashay wiil lagu magacaabo Barron oo 11 -jir ah.

Waa marwo koobaad oo aan caadi ahayn. Waa marwadii koobaad ee ugu horeysay oo ayadoon dhar qabin lagu sawiray wargeys, ka hor inteysan guursan Trump.