Maxkamad Amartay In La Xidho Saraakiishii Qabanqaabiyay Aftidii Kurdiyiinta

0
Thursday October 12, 2017 - 10:50:31 in by Burco Office
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Amartay In La Xidho Saraakiishii Qabanqaabiyay Aftidii Kurdiyiinta

    Maxkamad Amartay In La Xidho Saraakiishii Qabanqaabiyay Aftidii Kurdiyiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad Amartay In La Xidho Saraakiishii Qabanqaabiyay Aftidii Kurdiyiinta

Maxkamadda fedaraalka dalka Ciraaq ayaa amar ku bixisay in la soo xiro saraakiisha Kurdiyiinta ee ku lugta lahaa aftidii madaxbanaanida ee bishii aanu soo dhaafnay ka dhacday gobolkaasi.


Amarka ay bixisay maxkamadda ayaa waxa soo hoos galaya xubnaha guddiga doorashada ee gobolka Kurdiyiinta.

Rai’sul wasaaraha dalka Ciraaq Haider al-Abadi ayaa bishii aanu soo dhaafnay waxa uu dalbaday in la joojiyo codaynat aftida muranka dhalisay .

Maxkamadda fedaraalka ee dalka Ciraaq ayaa waxa ay imika sheegtay in tillaabo dhanka sharciga ah laga qaadi doono saraakiisha Kurdiyiinta ee ku lugta lahaa qabashada aftidaasi.

Maxkamada ayaa sheegtay in iyada oo loo sii marayo xafiiska dacwad soo oogaha guud tillaabadaasi la qaadi doono.

Afhayeen u hadlay maxkamada oo lagu magacaabo Abdulstar Bayraqdar, ayaa sheegay in amarkan lagu soo xirayo saraakiishani uu ka dambeeyay ka dib markii golaha amniga qaranka ay ku doodeen in aftida ay ka soo horjeeday go’aan ay horey u gaartay maxkamada sare ee Fedaraalka.

Ka dib codeyntii dhacday 25 September ayaa saraakiisha Kurdiyiinta waxa ay sheegeen in aftida madaxbanaanida ay u codeeyeen 2.8 milyan oo ku nool seddexda gobol ee uu ka kooban yahay maamulka Kurdiyiinta Ciraaq.

Balse xukuumadda Ciraaq ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn natiijaddii ka soo baxday aftida madaxbanaanida gobolka waqooyiga Kurdiyiinta Ciraaq.