Weah oo hoggaaminaya doorashada madaxweynaha Liberia

0
Friday October 13, 2017 - 13:59:22 in by salman abdi
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weah oo hoggaaminaya doorashada madaxweynaha Liberia

    Natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxweynenimada Liberia waxay muujinaysaa in uu hogaanka hayo George Weah oo horay u soo noqday xidig dhanka ciyaaraha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxweynenimada Liberia waxay muujinaysaa in uu hogaanka hayo George Weah oo horay u soo noqday xidig dhanka ciyaaraha ah.

Natiijada guddiga qaran ee magaciisa loo soo gaabiyo NEC ayaa muujinaysa in George Weah uu hoggaaminayo 11 deegaan oo ka mid ah 15ka deegaan ee la tiriyay, inkastoo codadka intooda badan aan wali la tirinin.

Joseph Boakai oo ah madaxweyne ku xigeenka talada haya oo ah ninka ay sida wayn isu hayaan ayaa hogaaminaya hal deegaan oo kali ah, kuwa kale intooda badanna kaalinta labaad kaga jira.

Si uu murashax ugu guulaysto doorashadan wuxuu u baahan yahay in uu helo in kabadan 50% guud ahaan codadka la dhiibtay.

Haddii lawaayo qof helay codad intaas la egna bisha soo socota ee Nofembar ayaa wareeg labaad la qaban doonaa.

Ciddii la doorto waxay badali doontaa haweenaydii u horaysay ee madaxweynenimo looga doorto qaaradda Afrika, Ellen Johnson Sirleaf oo sidoo kalena heshay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobelka loo yaqaanno.

Iyadoo natiijadu ay sidaa u soo baxaysana waxaa war been ah lagu marin habaabiyay tababarahaArsenal, Arsene Wenger, isaga oo loo sheegay in George Weah uu guulaystay

Arsene Wenger ayaa tababare u soo noqday George Weah 1990yadii markaas oo uu u dheeli jiray naadiga Faransiiska ka dhisan ee MonacoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionArsene Wenger ayaa tababare u soo noqday George Weah 1990yadii markaas oo uu u dheeli jiray naadiga Faransiiska ka dhisan ee Monaco

Arsene Wenger ayaa yiri: "Waxaan u hambalyeynayaa mid ka mid ah ciyaartoydeenii hore oo noqday madaxweynaha Liberiya, George Weah. Way yartahay in ciyaaryahankaagii hore uu noqdo madaxwaynaha dal. Way u wanaagsan tahay George, waxaana u sheegayaa in uu sii wad dadaalkiisa ah in uu waxbarato guulna gaaro."

Xigasho/BBC Somali