Taj Mahal Ma Muslimiin Baa Leh Mise Hindu?

0
Sunday November 05, 2017 - 10:09:27 in by Burco Office
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taj Mahal Ma Muslimiin Baa Leh Mise Hindu?

    Taj Mahal Ma Muslimiin Baa Leh Mise Hindu?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taj Mahal Ma Muslimiin Baa Leh Mise Hindu?

Xildhibaan reer Hindiya ah iyo qaar ka mid ah qolyaha garabka midig u janjeera ayaa sheegtay in Dhismaha caanka ah ee Taj Mahal uu yahay macbad ay Hindu-gu leeyihiin.

Vinay Katiyar oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa dhawaan dawladda waydiistay in ay badasho magaca iyo astaanta dhismaha, lana qiro in uu dhisay hogaamiye diinta Hindu-ga aaminsanaa.

Warbaahinta ayaa hadalkiisa aad u baahisay, taas ayaana horseeday in uu taagero ka helo kooxo badan oo ka tirsan garabka midig.

Xaqiiqada:ma jirto caddayn la taaban karo oo sheegashadaas lagu xoojiyo. Taas baddalkeedana taariikhyahannada intooda badan iyo dawladda Hindiya waxay isku waafaqeen in uu tusaale wanaagsan u yahay Naqshaqaynta dhismaha ee Muslimiinta Hindiya.

Yaa dhisay?

Taariikhda sida rasmiga ah loo diiwaan galiyay ee Hindiya waxay sheegaysaa in hogaamiyihii boqortooyadii Mughal, Shah Jahan uu dhisay Taj Mahal, si loogu xasuusto xaaskiisii Mumtaj.

Mughal-yiinta oo asal ahaan ka yimid bartamaha Aasiya ayaa maamuli jiray inta badan dalalka hadda lakala yiraahdo Hindiya iyo Pakistan qarniyadii 16aad iyo midkii 17aad.

Boqortooyada Mughal waxay xoojisay Islaamka koonfurta Aasiya, waxayna farshaxanka iyo dhaqanka Muslimka ku faafiyeen gobolka oo dhan.

Taj Mahal ayaana tusaale u ah jacaylkii ay u qabeen qurxinta dhismeyaasha.

Waaxda daraasaadka naqshadaynta ee Hindiya oo ay hoos tagaan raadadkii hore ayaa Taj Mahal ku tilmaamay "Dhismihii ugu wanaagsanaa ee boqortooyadii Mughal

Website-ka rasmiga ah ee Taj Mahal ee dawladda ayaa sheegaya "in qaabdhismeedkii boqrtooyadii Mughal uu caddayn u yahay bisaylkii naqshadaynta ee Muslimiinta marka la barbar dhigo dadkii ay isku xilliga noolaayeen ee kale.