Nabad-Ba3da Nin Ee Kursiga Kowaad U Ordaayey Waa Wada Garxajis Garxajina Makala Badinine Uu Wada Guuleystay. Dr.Khadar-Libaaxley.a Naas La Nuuga Leh. W/q: Guleed Maxamed

0
Sunday November 19, 2017 - 11:50:10 in by Burco Office
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabad-Ba3da Nin Ee Kursiga Kowaad U Ordaayey Waa Wada Garxajis Garxajina Makala Badinine Uu Wada Guuleystay. Dr.Khadar-Libaaxley.a Naas La Nuuga Leh. W/q: Guleed Maxamed

    Nabad-Baa Naas La Nuuga Leh. W/q:3da Nin Ee Kursiga Kowaad U Ordaayey Waa Wada Garxajis Garxajina Makala Badinine Uu Wada Guuleystay. Dr.Khadar-Libaaxley. Guleed Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad-Baa Naas La Nuuga Leh. W/q:3da Nin Ee Kursiga Kowaad U Ordaayey Waa Wada Garxajis Garxajina Makala Badinine Uu Wada Guuleystay. Dr.Khadar-Libaaxley. Guleed Maxamed

Nimaad hal isku diideen

Dab cas lagama bixiyee

Kudar tallada waligaa

Docaa idin mideeyee

Sida geel dar loo horey

Iska daba rakaada dimuqraadi lagu yahee

Darmo harag sakaaro ah, isku daysta

Mooyee isdul buuxsha laga wacan

Maansadani waa tuducyo ka mid ah murtida gabaygii ( ergo ee gaariye raxmatulaahi calayhi wa calaa qayrihii)

Ninka yaaqaan dagaal waxa uu gudo iyo waxa uu gooyo ayaa dareemi kara nabadu qiimaha ay leedahay, filimaayo in maanta garxajis maanta laga waaniyo illaalinta nabad galyada dalkii ay horey u xoreeyeen; waa caqliyad raqiis ah ( haday tayda noqon weydo kaa ciideeyey adigana , dalka iyo dadkaan u soo dhintayna dab baan galinayaa).

Sida aanqabo garxajis uu ka sareeyaa uu ka gedo sareeyaa ama ka weynyahay dacaayadaha raqiiska ah ee ah ( dalkay duminayaan iyo xamar bay rabaan intaba).

3dexda musharax madaxweyne ee doorashada maanta u tartamayaayi waa wada garxajis c/raxman ciro iyo faysal marka laga yimaado, muuse biixina magaca mooyee naftiisu waa garxajis waayo horey somalidu u tidhi: ( inan waa abtigii ), sida uu faysalba marna u noqdo garxajis marna uu u noqdo habar awal.

Garxajis maanta uu wada guuleystay mar hadii madaxweynihii soo baxaaba yahay madaxweyne ka asal iyo sinji qaba garxajis iyo libaaxyada somaliland.

Ma jirto sabab keenta in guri walba oo guryaheena ka mida in laga ooyo, Ma jirto sabab aynu dalka iyo dadkaba dabka ugu gurno, ma jirto sabab aynu dib ugu noqono, ma jirto sabab aynu u qiimo tirno somaliland iyo jiritaankeena aynu rabno in aynu dunida ka iibino sabab aynu u raqiisino.

Ma jirto sabab aynu dib ugu dhacno oo daaraheenu u dumaan, ubadkeenuna u qaxaan oo ay dariska u dawaro tagaan.

Gunaanad :

 

Calool adeyg waa alle wehelkiiye waxa la gud boon cid kasta oo laga badiyo labada qodob ee ah ( sabrun jamiil iyo dib u baandheynta shaxdii lagu jabay iyo waliba u tahniyadeynta wallaalahaaga kale ee guushu raacday ).

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts