Xasuuqa masjidka Siinaay: 'Ilaa 30 dabley ah ayaa weerarka qaaday'

0
Sunday November 26, 2017 - 10:54:33 in by Burco Office
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasuuqa masjidka Siinaay: 'Ilaa 30 dabley ah ayaa weerarka qaaday'

    Xasuuqa masjidka Siinaay: 'Ilaa 30 dabley ah ayaa weerarka qaaday'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasuuqa masjidka Siinaay: 'Ilaa 30 dabley ah ayaa weerarka qaaday'

Xasuuqa masjidka Siinaay: 'Ilaa 30 dabley ah ayaa weerarka qaaday'

Saraakiisha Masaarida ee baaraya xasuuqa dadkii lagu laayey masjid ku yaalla Siinaay ayaa sheegay in qolyihii weerarka qaaday ay siteen calanka kooxda dawladda islaamiga.

Ilaa 305 qof ayaa weerarka ku dhintay, kaasoo la qaaday intii lagu jiray salaaddii Jimcaha, welina ma jirto cid sheegatay.

Dacwad soo oogaha Masar wuxuu sheegay in ilaa 30 qof ay weerarka qaadeen.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa wacad ku maray inuu ku jawaabi doono "awoodda ugu sarraysa".

Milateriga Masar wuxuu sheegay inuu weerarro xagga cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo "argagixiso".

Xoogagga amniga ee Masar ayaa muddo sanooyin ah dagaal kula jiray kacdoon islaamiyiin oo ka jiray gacan biyoodka Siinaay, mintidiin gacan saar la leh kooxda dawladda islaamiga (IS) waxay ka dambeeyeen tiro weerarro lagu dhintay ah oo ka dhacay gobolkaas lama degaanka ku yaalla.

Qof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka
Image captionQof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka

Masjidka Al-Rowda ayaa qaraxyo lagu weeraray, ka dibna tiro dabley ah oo banaanka joogay ayaa rasaas oodda uga qaaday dadkii badbaaday ee cararayey. Qaarkood ragga weerarka qaaday wajiga ayaa u daboolnaa, waxayna xirnaayeen dhar kan milateriga u eg. Daaqadaha iyo albaabada ayaa la sheegay inay dadka ka tooganayeen.

Raggaas waxay sida muuqata dab qabadsiiyeen gawaari halkaa taallay, si ay u xannibaan in dhismaha la galo, waxayna rasaas ku rideen gawaarida gargaarka degdegga ah.

30 carruur ah ayaa ku jiray dadka dhintay, tiro 100 ka bandanna way ku dhaawacmeen.