Dawladda Madaxweyne Muuse Haddii Ay Sheegi Waydo Deyn Iyo Dakhliga Lagu Wareejiyey Waxa Ay Noqon Doontaa Dawlad Dalkeeda Iyo Dadkeedaba Khiyaantay

0
Monday December 04, 2017 - 12:43:49 in by Burco Office
  • Visits: 760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Madaxweyne Muuse Haddii Ay Sheegi Waydo Deyn Iyo Dakhliga Lagu Wareejiyey Waxa Ay Noqon Doontaa Dawlad Dalkeeda Iyo Dadkeedaba Khiyaantay

    Dawladda Madaxweyne Muuse Haddii Ay Sheegi Waydo Deyn Iyo Dakhliga Lagu Wareejiyey Waxa Ay Noqon Doontaa Dawlad Dalkeeda Iyo Dadkeedaba Khiyaantay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Madaxweyne Muuse Haddii Ay Sheegi Waydo Deyn Iyo Dakhliga Lagu Wareejiyey Waxa Ay Noqon Doontaa Dawlad Dalkeeda Iyo Dadkeedaba Khiyaantay

Dawladnimada xilkaska ahi hal dhaqan ayey leedahay; waana in ay soo bandhigto nooca miisaaniyadeed ee ay ku xaal jirto.


Tusaale ahaan, miisaaniyadda dawladdu ma mid dakhliga soo gala iyo kharashka baxaa isku dheelli-tiran yahay baa (balanced budget)?. Ma mid dakhligu qarashka ka xoog roon yahay oo dhigaal dakhli leh baa (surplus budget)?
Mise waa mid deyn ku nool ah oo kharashku ka badan yahay dakhligeeda (deficit budget)?
Ka uu doono ha noqdo e, waxa dawladda xilkaska ah ku waajib ah in miisaaniyaddeedu shacabka u daahfuran tahay si loo ogaado ammuurta dakhli iyo kharash ee dawladnimo – haddii kale la xisaabtan guud oo shacab iyo dawladi jiri maayo xaal na waa ha la is-boobo.
Maanta waxa la sheegayaa in deyn aad u faro-weyn uu Kulmiye – Kulmiye ku wareejin rabo oo waliba la leeyahay Kulmiye ayeynu isla nahay e, aynnu bahasha isku muusaynno oo ceebteenna qarsanno – shacabkana khiyaamaynno! Ammuurtaasi waa ammuur khiyaamo qaran ah haddii ay dhacdo – waa shacabkii iyo qarannimadii oo khiyaamo dhaqaale la gu wado. Madaxweynaha la doortay waxa ku waajib ah in uu ku adkaysto in deynta la gu wareejinayo cadadkeeda uu sheego. Ma aha wax qariib ah oo dawladuhu deymaha waa ay isku wareejiyaan – haddiise la yidhaa aan isku qarinno Kulmiye ayeynu isla nahay e, waa khiyaamo ummadeed iyo gaf dawladnimo oo qaranka la ga galay. Ha ogaado Muuse Biixi in deynta la gu wareejinayo macnaheedu yahay war naxdin leh oo fashilin kara ballanqaadkii wax-qabad ee barnaamijkiisa. Waayo deyn weyn bixinteed ayaa hortaal. Markaa ballanqaadkii badnaa ee Kulmiyihiisa inkaar baa afka ku soo kala qaadday – haddii uu yidhaa inkaartaas ayaan qarsanayaa waa u nacasnimo iyo hadhow oo ay talo ku ballaadhato. Waxa u roon in uu maantaba runta u sheego dadkiisa si ay filashadoodu u yaraato – sababta oo ah deynta aan maqlayaa waa mid aan suuro-gal ka dhigayn in 100% barnaamijka xisbigu fulo. Jimce wanaagsan.