Maxkamada Ugu Saraysa Wadanka Maraykanka Oo Tageertay Xayiraaddi U Dadka Socdaalka U Rogay Madaxwayne Trump

0
Tuesday December 05, 2017 - 07:11:33 in by salman abdi
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Ugu Saraysa Wadanka Maraykanka Oo Tageertay Xayiraaddi U Dadka Socdaalka U Rogay Madaxwayne Trump

    Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go'aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah. Go'aankaasi oo wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go'aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah. Go'aankaasi oo wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah.


Go'aankan ayaa xoojinaya siyaasaddii madaxweyne Trump ee ka dhanka ahayd Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Xukunkan wuxuu ku fulayaa go'aanka markii saddexaad isbadalka lagu sameeyay ee uu madaxweynuhu bixiyay tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Toddobo ka mid ah sagaalka xaakim ee dacwadda dhagaysanayay ayaa qaaday Isniintii laalitaankii ay ku sameeyeen maxkamadaha hoose.

Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor oo kali ah ayaa raali ku ahaa in uu wali sii laalnaado go'aanka madaxweynuhu.

Maxkamadaha racfaanka ee San Francisco, California, Richmond iyo Virginia ayaa dhagaysan doona doodda toddobaadkan si ay u fiiriyaan bal in soo celinta siyaasaddan ay sharciga waafaqsan tahay.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa xustay in ay filayso in maxkamadahaasi ay go'aan ka gaaraan arrimaha qaarkood".

Kuwaas ayaana ugu dambayn dib loogu celin doonaa maxkamadda sare.

Go'aanka Isniintan la gaaray ayaa tilmaamaya in maxkamadda ugu sarraysa Maraykanku ay ayidi doonto siyaasadda maamulka, sida ay sheegeyaan dadka ka faalooda arrimaha cadaaladdu.

David Levine oo bare sare ka ah culuunta sharciga ee jaamacadda University of California Hastings ayaa wakaaladda wararka eee AP u sheegay in ay fahankooda la tahay in ay dawladdu guulaysan doonto si ka duwan sidii markii hore loo malaynayay.


Hogan Gidley oo ah afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegay in uusan la yaabin go'aanka maxkamadda sare.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa go'aanka maxkamadda ku tilmaamay guul wayn oo u soo hoyatay ammaanka iyo badqabka dadka Maraykanka ah.

Laakiin ururka xuquuqda shacabka u dhaqdhaqaaqa ee ACLU ayaa sheegay in Twitter-raddii uu toddobaadkii hore sii baahiyay madaxweyne Trump ee ay lahaayeen qolyaha Britain u dhashay ee siyaasaddoodu garabka midig tahay in ay taasi muujinayso in uu faquuqayo Muslimiinta.

"Muslim ka soo horjeedidda Trump sir ma aha - si ku celcelis ah ayuuna u xaqiijiyay arrintaas, waxaana ka mid ahayd Twitterkii uu baahiyay toddobaadkii hore" sida uu sheegay Omar Jadwat.

"Nasiib darro xayiraaddaas socdaalku hadda si buuxda ayay u dhaqan gali kartaa, laakiin amarkani ma uusan taabanin gundhigii waxyaabihii aan tabanaynay".