Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Booqanaya Wadanka Koonfurta Waqooyiga Iyo Arimaha Ku Duugan

0
Tuesday December 05, 2017 - 07:21:26 in by salman abdi
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Booqanaya Wadanka Koonfurta Waqooyiga Iyo Arimaha Ku Duugan

    Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in madaxa arrimaha siyaasada ee u qaabilsan uu booqan doono dalka Kuriyada Waqooyi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in madaxa arrimaha siyaasada ee u qaabilsan uu booqan doono dalka Kuriyada Waqooyi.


Jeffrey Feltman ayaa lagu wadaa in uu booqdo Kuuriyada Waqooyi maanta oo talaado ah .

Booqashada sargaalkani uu ku tagayo Kuuriyada Waqooyi ayaa noqon doonta middii ugu horreysay oo heerkeedu sareeyo oo sargaal Qaramada uu ku tago Pyongyang muddo 6 sano ah.

Booqashada Jeffrey Feltman ayaa ku soo beegmaysa xilli ay aad u kacsan tahay xiisada gacanka Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay tijaabisay gantaal ah nooca qaaradaha isaga tallaaba.

Isniintii Kuuriyada Koonfureed iyo mareykanka ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus dhanka cirka ah .

Kuuriyada Waqooyi ayaa horrey daandaansi ugu tilmaamtay dhoolatuska militari ee ay sida wadajirka ah u samaynayaan Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka