Ruushka oo laga mamnuucay ciyaaraha Olympika-da ee dhici doona sanadka soo socda +Sababta

0
Wednesday December 06, 2017 - 09:50:50 in by Burco Office
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo laga mamnuucay ciyaaraha Olympika-da ee dhici doona sanadka soo socda +Sababta

    Ruushka oo laga mamnuucay ciyaaraha Olympika-da ee dhici doona sanadka soo socda +Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka oo laga mamnuucay ciyaaraha Olympika-da ee dhici doona sanadka soo socda +Sababta

Guddiga Caalamiga ah ee ciyaaraha Olympika-da ayaa ciyaaryahanada Ruushka ka mamnuucay in ay ka qeyb qataan tartanka Olympika-da ee sanadka soo socda ka dhici doona Kuuriyada Koonfureed.

Ciyaaryahanada Ruushka ayaa lagu eedeyay inay isticmaleen dawooyinka kordhiya awoodda jirka.

Baaritaanka arrintan lagu ogaaday ayaa socday ku dhowaad 17 bilood, waxaana la helay cadeymo cad oo muujinaya inay wax isdaba marin sameyeen tartankii Olympka-da ee lagu qabtay dalkaasi.

Haseyeshe, ku xigeenka afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka, Pyotr Tolstoy, ayaa ku gacan seeray go'aanka ay qateen guddiga caalamiga ah ee xiriirka Olympika-da.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maria Zakharova ayaa sheegtay in Ruushka uusan ka badbaadi doonin madaama uu ka badbaaday dagaalkii labaad ee aduunka, qaar ka mid ah saraakishana arrintaan waxay ku tilmaameen bahdil.