Ra'iisal wasaare Somalia Oo Bogaadiyay taageerada mashaariicda hormarineed ee dowladda Mareykanka.

0
Wednesday December 06, 2017 - 09:50:50 in by Burco Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal wasaare Somalia Oo Bogaadiyay taageerada mashaariicda hormarineed ee dowladda Mareykanka.

    Ra'iisal wasaare Somalia Oo Bogaadiyay taageerada mashaariicda hormarineed ee dowladda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaare Somalia Oo Bogaadiyay taageerada mashaariicda hormarineed ee dowladda Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyey Taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya, kaddib heshiis horumarineed oo ay kala saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku kacayaa lacag dhan $ 300 Milyan oo Dollar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiskan in uu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay Taageeradooda aan shuruudu ku xirnayn.

"Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaari doonto dalka oo dhan.

"Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’ado shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Khayre.