Masuuliyin Guclo Orad Ugu Jira Boobka Dhulka Danta Guud Ah +Xiliga Kala Guurka Xukuumada Iyo Dhulkii Ugu Balaadhana Burco Oo La Baloodhedhayay.

0
Wednesday December 06, 2017 - 12:06:42 in by Burco Office
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyin Guclo Orad Ugu Jira Boobka Dhulka Danta Guud Ah +Xiliga Kala Guurka Xukuumada Iyo Dhulkii Ugu Balaadhana Burco Oo La Baloodhedhayay.

    Masuuliyin Guclo Orad Ugu Jira Boobka Dhulka Danta Guud Ah +Xiliga Kala Guurka Xukuumada Iyo Dhulkii Ugu Balaadhana Burco Oo La Baloodhedhayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyin Guclo Orad Ugu Jira Boobka Dhulka Danta Guud Ah +Xiliga Kala Guurka Xukuumada Iyo Dhulkii Ugu Balaadhana Burco Oo La Baloodhedhayay.

Hawlaha Guud iyo Maayir Muraad Oo Baloodhaystay Bakhaarradii Insida ee Burco

Dadwaynaha iyo xildhibaanada golaha deegaanka ee Burco ayaa muddooyinkii u dambeeyey soo saarayay qaylo dhaan iska soo daba dhacaysa, taasoo ku saabsan iibsiga iyo xaraashka dhulka danta guud gaar ahaan wakhtigan lagu jiro kala guurka, waxaana arrimahani inta badan ku arooraan wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan iyo Maayirka Burco, Maxamed Muraad.

 

Wararka ka imanaya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in wakhtigana ay wasiirka hawlaha guud iyo maayirka Burco ay calaamadsadeen dhulkii isnida Burco oo ka koobnaa afar bakhaarrada oo waaweyn, waxaana ay wararku sheegayaan in wasiirka Cali Mareexaan iyo Maayir Muraad ay samaysteen waraaqo sharciyeysan isla markaana leh saxeex madaxwayne kuwaasoo u jidaynaya lahaanshaha dhulkan danta guud ah.

Dadwaynaha reer Togdheer ayaa dhegta u taagaya tallaabada uu madaxwaynaha la doortay ka qaadi doono dhulkii Burco ee sida waallida ah loogu tagri-falayo, waxaana isa soo taraya guud ahaan masuuliyiinta ku fekeraya inay ka faa’iidaystaan wakhtigan kala guurka ah.

 

Si Kastaba Ha,ahaatee Waxa Bar Yihii U Danbeeyay Bulshada Reer Burco Dhagahooda Ku Soo Noqonayay khilaaf Ka Dhex Tagan Xildhibaanadii Degmada Burco Oo Isku Haysta Boobka Iyo Kala Qab Basashada Hantida Danta Guud Ah,

Shacabka Magaalada Burco Ayaa Waxa Ay U Dhagtaagayaan Go,aanka Uu Ka Gaadhi Doono Madaxweynaha Somaliland Ka Qadan Doono Boobka Hantida Qaran Ee La Kala Horar Sanayo