Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabistiisii Ugu Horraysay Sameeyay
Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabistiisii Ugu Horraysay Sameeyay
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto ku magacaabay guddida Xil-wareejinta muddada kala-guurka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha cusub ee la doortay, kaasi oo u dhignaa sidan;
Ujeeddo:Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.
Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaanGuddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
-
Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
-
Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
-
Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
-
Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
-
Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
-
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
-
Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
-
Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
-
Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin
Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabistiisii Ugu Horraysay Sameeyay
Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabistiisii Ugu Horraysay Sameeyay