Jaamacadda Carabta sidee ayey uga jawaabi kartaa arrinta Qudus?
Gantaal laga soo riday marinta Qaza ayaa ku dhacay magaalada Sderot ee koonfurta Israa'iil, ayadoo ay weli socdaan rabshadaha ka dhashay go'aankii madaxweynaha Trump uu ugu aqoonsaday Qudus caasimadda Israa'iil.
Lama sheegin khasaaro nafeed oo uu geystay gantaalkaasi, balse waxaa ku burburay gawaari dhowr ah.
Dhanka kale ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka shiro go'aanka madaxweyne Trump ee ku aadan magaalada Qudus.
Waxa laga fili karo kulankaasi ayaanu ka wareysanay Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faalooda arrimaha dunnida Islaamka. Wuxuu u warramay Bashir Maxamed Caato.