Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay dilka Wariye Maxamed Ibaaraahim

0
Tuesday December 12, 2017 - 09:41:50 in by Burco Office
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay dilka Wariye Maxamed Ibaaraahim

    Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay dilka Wariye Maxamed Ibaaraahim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay dilka Wariye Maxamed Ibaaraahim

Dowladda Somaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Mohamed Ibraahim Gaaboow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaarigiisa miino loogu xiray.

Wasiir Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa yiri "Innaa Lillaahi Wa Innaa ileyhi Raajicuun, waxaan u tacsiyadeynayaa Qoyskii, bahda Saxaafada iyo Shacabka Soomaaliyeed oo uu ka tagey marxuumka. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo IIMAAN EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN”

Wasiir ayaa cambaareeyey falka dilka loo geystay wariyaha oo uu yiri "Si kulul baan u cambaareynayaa falka dilka loo geystay wariye Maxamed Ibarahim Gaaboow, waana muuqataa dhammaan calaamadihii Al-Shabaab oo caadeystay dilka wariyeyaasha, marxuumka wuxuu ahaa aqoonyahay Jaamacad ku soo bartay dalka Uganda, lahaana mustaqbal wanaagsan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in dambiilayaasha ay baxsadaan oo bulshada ku dhex-dhuuntaan. "Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii kooxaha argagaxisada dalka looga sifeyn lahaa si shacabka ay u helaan ammaan iyo nabadgelyo la isku haleyn karo. Hay’addaha Amniga iyo Garsoorka ayaana sameynaya baaris dhab ah si sharciga loo horgeeyo dambiilayaasha. Waxaa dhammaaday waqtigii shaqsi intuu dambi galo baxsada, waxaana sameyn doonaa tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng. Yarisow