Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo maanta la caleemo saarayo Iyo Madaxweynihii Hore Ee Xilka Ka Sii Dagay.

0
Wednesday December 13, 2017 - 09:24:54 in by Burco Office
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo maanta la caleemo saarayo Iyo Madaxweynihii Hore Ee Xilka Ka Sii Dagay.

    Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo maanta la caleemo saarayo Iyo Madaxweynihii Hore Ee Xilka Ka Sii Dagay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo maanta la caleemo saarayo Iyo Madaxweynihii Hore Ee Xilka Ka Sii Dagay.

Xarunta madaxtooyadda Somaliland waxa saaka loogu diyaar garoobayaa caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo sagoontita madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo.

Munaasibadda Caleemo saarka madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi waxey ka dhacaysa qasriiga madaxtooyadda Somaliland Ee magaaladda Hargeysa, waxaana loo qoondeeyey in ay ka qaybgalaan dad lagu qiyaasay illaa Kun iyo Shan Boqol oo qof.

Wufuudda caalamiga ah ee lagu casuumay oo illaa shalay dalka iminaysay ayaa ka kala timid dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Ungandha, Imaaraadka Carabta, safiiradda midowga Yurub, Maraykanka iyo shakhsiyaadka caanka ah ee dalalka shisheeye ugu ololeeya qadiyada madax banaanidda Somaliland.

Sidoo kale, xafladan waxa ka soo qaybgallaya madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo isaguu uu bedelay madaxweynaha hadda la bedelayo ee Axmed Siilaanyo.

Caleemo saarka madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka Somaliland rajo weyn ka qabaan inuu wax ka qaban doonno musuqmaasuqa, cadaalad daradda iyo saraynta sharciga, waxaana lagu yaqaanaa inuu yahay madaxweyne ad adag,isla markaana go’aan qaadasho leh,isagoo turtaba iska fogeeyey madax dhaqameedkii nin walba wasiirka watay, isagoo madax dhaqameedka ku armay inay ku eekadaan uun dhaqankoodda taas oo ah arrimaha cusub Somaliland.

Dadweynuhu waxay aad u dhaliili jireen xukuumaddii hore, waxaana madaxweynaha cusub laga filaya in aanu golihiisa wasiirada ku soo darin xubno kamid ah golihii wasiiraddii hore, waxa kale oo lagu wadaa inuu yareeyo golaha wasiiradda oo uu magacaabo dad tayo leh, iyado illaa hadda aanay ogayn wasiirada uu magacaabayo, taas oo xisbiyadda mucaaradku ku amaaneen inuu sirtiisa qariyo, halka madaxtii hore markiiba la ogaan jirin inta qof ee uu wasiir ka dhigayo iyo talaabo walba uu qaadayo la sii ogaan jirininta aanu shaacin.

Dhinaca kale,Waxa kale oo xusid mudan dad badana guddiga qabanqaabadda ku dhaliileen in kaadhadhka munaasiabdaasi lagu soo daabacay dalka Dubia, iyadoo ay jiraan madbacaddo muwaadiniin ah oo dalka ku yaalla oo awoodi kari inay kaadhadhkaasi iyo kuwo ka heer sareeyaaba daabacaan, nasiib daro waxa la door biday in dibada laga soo daabaco.