War-saxaafadeed: Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha 5-aad Ee Ururka SOLJA oo la magacaabay.

0
Thursday July 31, 2014 - 18:37:29 in by Super Admin
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-saxaafadeed: Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha 5-aad Ee Ururka SOLJA oo la magacaabay.

    Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa maanta Magacaabay guddida qaban-qaabada shirweynaha Shanaad ee Ururka SOLJA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa maanta Magacaabay guddida qaban-qaabada shirweynaha Shanaad ee Ururka SOLJA.


Sida lagu sheegay War-saxaafadeed Guddoomiyuhu ku saxeexan yahay, xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha SOLJA, ayaa ka kooban shan xubnood oo ka kala socda hay’adaha warbaahineed iyo ururrada kale ee saxaafadda ee ka shaqeeya Somaliland.

War-saxaafadeedkaasi ayaa u dhignaa sidan:-


Guddida Qabanqaabada shirweynaha shanaad ee Solja (Preparatory committee of SOLJA General Assembly)

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isagoo tixraacya qodobka lixaad faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha ururku qabsoomo saddexdii sanaba hal mar, wuxuu magacaabay guddida qabanqaabada shirweynaha 5aad isagoo tixraacaya faqrada (c) ee qoddobka lixaad.


Magacyada Guddida:

  1. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) – Waaheen

  2. Maxamed Aw Aadan Cabdi – Freelance

  3. Barkhad Maxamed Kaariye – SOLJA

  4. Maxamed Yuusuf Ilkacase – Foore

  5. Ayaan C/risaaq Jaamac – WIJA

  6. Salma C/raxmaan Sheekh – wasaaradda Warfaafinta

  7. Axmed Maxamed Jaamac – Somali Chanel

Waxaan aka rajaynayaa xubnaha guddida fulinta inay ansixiyaan xubnaha guddida qaban qaabada eek or ku xusan, idinka oo gudanaya waajibaadkiina distooriga ah, si aynu hore ugu sii socono qabsoomidda shirweynaha oo wakhtigiisii joogo.

Dhinaca kalena, si loo qabyo tiro distoorka ururka oo u baahan dib u eegis iyo kaabis, waxaan magacaabay Garyaqaan. Maxamed Siciid Xirsi in uu mudada shirweynaha ka horaysa ka sii shaqeeyo qabyada distoorka si shirweynaha loogagag dodo kadibna loogu Ansixiyo.

Waxa halkan ku lifaaqan hawl-maalmeedka guddida qabanqaabada shirweynaha.


Hawl maalmeedka Guddida qaban qaabada shirweyanaha 5aad ee SOLJA


1.Guddida qaban qaabadu waxay masuul ka tahay dhamaan hawlaha la xidhiidha qabsoomida iyo Habsami u socodka shirweynaha.

2. Diiwaangelinta sugida Ergooyinka Shirweynaha

3. Masuuliyada hagida shirweynaha intaan la dooran shir-guddoonka

4. In ay fidiyaan martiqaadka Ergooyinka rasmiga ah iyo goob joogayaasha shirka

5. Diyaarinta Kharashka ku baxaya shirweynaha

6. Inay ku diyaariyaan Shirweynaha mudada loo cayimay








Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Xasan Maxamed Yuusuf.