Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya Oo Ka Hadlay Sida Ay Ula Dhaqmi Doonaan Dadka Reer Somaliland Ee Xajka Tagaya Ee Qaadnaya Passaportkooga

0
Friday August 01, 2014 - 10:23:43 in by salman abdi
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya Oo Ka Hadlay Sida Ay Ula Dhaqmi Doonaan Dadka Reer Somaliland Ee Xajka Tagaya Ee Qaadnaya Passaportkooga

    Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dawladda taagta daran ee Soomaaliya Jen. Cabdillaahi Gaafow Maxamuud, ayaa shaaciyey dardaaran madaxweynahoodu ku siiyey qaabka ay ula dhaqmayaan dadka reer Somaliland ee doonaya inay qaataan baasaboorka Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dawladda taagta daran ee Soomaaliya Jen. Cabdillaahi Gaafow Maxamuud, ayaa shaaciyey dardaaran madaxweynahoodu ku siiyey qaabka ay ula dhaqmayaan dadka reer Somaliland ee doonaya inay qaataan baasaboorka Soomaaliya.

Generaal Gaafow oo xaruntiisa magaalada Muqdisho ugu warramay saxaafadda shalay, waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland loo oggolyahay inay qaataan baasaboorka Soomaaliga, isla markaanna aanay jirin wax shuruudo u gooni ah oo lagu xidhayo.

 
"Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu nagula dardaarmay oo uu nagu yidhi; ‘waa la heshiinayaa (Somaliland iyo Soomaaliya), dhibaatana ma dhici doonto ee dadka reer Somaliland ha la dhaqaaleeyo, hana loo sameeyo (dadka Somaliland) baasaboorka haddii ay soo dalbadaan, annaguna waan siinnaa, kumana cadaadinno inay waraaqo kala yimaaddaan maamulka (dawladda Somaliland) halkaas ka jira,” ayuu yidhi Genaraal Gaafow.

 
Waxa kaloo uu ka hadlay xajka sannadkan iyo qaabka xujaajta loo siinayo baasaboorka Soomaaliga, waxaannu yidhi; "Waxaan u ballanqaadaynaa dadka soo xajinaya sannadkan ee martida Ilaahay ah in aan u fududeyn doonno hawlahooda si ay u soo gutaan waajibaadkaas diiniga ah.”
 
Genaraal Gaafow ayaa sidoo kale sheegay in baasaboorka Soomaaliga uu haatan ka baxay aqoonsi la’aantii ka haysatay qaar ka mid ah waddamada caalamka, isagoo xusay in dalalka Yurub waqtigan bilaabeen inay Soomaalida ku nool sharciga deggenaanshaha ugu dhuftaan baasaboorka cusub ee Soomaaliga, taasoo uu ku sifeeyey guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed, kuna timi dedaal dawladdiisu samaysay.
 
Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya, waxa kaloo uu tibaaxay in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay dedaal dheer kadib bilowday inay bixiso warqadaha dhalashada iyo sugnaanta, kadib markii dhowaan la joojiyey kaadhadhkii aqoonsiga ee ay bixin jirtay, wuxuunna xusay in qofka aan wadan waraaqahaas oo lagu daray midda CID-da ee faraha aan la siin doonin baasaboor.
 
muuqaalka Basaboorka Soomaaliya

 

 
"Qofka baasaboorka qaadanaya waxa muhiim ah inuu soo qaato waraaqaha dhalashada iyo sugnaanta ee dawladda hoose iyo mid faraha ee CID-da laga keenayo dhammaantood si sahal ah ayey dadku u soo heli karaan, annaguna markaan siinno baasaboorka ayaa waxaan u raacineynaa kaadhka aqoonsiga amma taysaraha muwaaddinnimo,” ayuu yidhi genaraal Gaafow, isagoo intaa ku daray in dadka jooga gobollada waraaqaha looga baahan yahay ka qaadan karaan maamullada ka taliya degaannadooda.
 
Dad badan oo reer Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey qaadanayey baasaboorka Soomaaliya, kuwaasoo ugu safra dalalka dibadda, gaar ahaan xujaajta, iyadoo dawladda Somaliland hore u sheegtay inay diyaarinayso baasaboor elagtoorig ah oo sannadkan lagu tagi doono xajka, balse weli arrintaas ma hirgelin.

                    Contact@aafkashacabka.com