Madaxwayne Jacob Zuma:Mustaqbalka xisbiga ANC halis ayuu ku jiraa

0
Sunday December 17, 2017 - 09:12:20 in by salman abdi
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Jacob Zuma:Mustaqbalka xisbiga ANC halis ayuu ku jiraa

    Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in mustaqbalka xisbiga ANC uu halis ku jiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in mustaqbalka xisbiga ANC uu halis ku jiro.

Madaxwayne Zuma oo khudbad u jeediyay ergada ka qaybgalaysa kulanka xisbiga ayaa sheegay in khatar ugu way ee haysata xisbiga ay tahay kala qaybsanaanta gudaha xisbiga ka jirta.

Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa xusay in dad badan ay lumiyeen kalsoonidii ay xisbiga ANC ku qabeen.

Ergada xisbiga ANC ayaa lagu wadaa in ay doortaan hogaamiyaha xisbiga oo badali doona madaxwaynaha xilka haya Jacob Zuma .

Musharaxiinta ugu cadcad waxaa ka mid ah madaxwayna ku xigeenka Cyril Ramaphosa, iyo, Nkosazana Dlamini-Zuma,oo horey u ahaan jirtay wasiirka arrimaha dibadda .

Mr Zuma ayaa sii ahaan doona madaxwaynaha Koonfur Afrika ilaa laga gaaro doorashada sanada 2019.