Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Oo Gudoomiye Cirro Ka Difaacay Eedemo Ay Xukuumadda Dusha U Saartay,

0
Friday August 01, 2014 - 13:54:34 in by Hargeysa Office
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Oo Gudoomiye Cirro Ka Difaacay Eedemo Ay Xukuumadda Dusha U Saartay,

    Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa si kulul uga jawaabay dhaliilo uu Wasiir Cukuse u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa si kulul uga jawaabay dhaliilo uu Wasiir Cukuse u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI

 Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kaasi oo ahaa in gudoomiye Cirro uu hada Golaha Wakiilada ku hogaaminaayo Afar-Sano oo muddo dhaaf ah,waxaana uu sheegay in marka horeba cidda u kordhisay muddada aqalka golaha Wakiilada Somaliland ay ahayd Xukuumada hada talada dalka haysa oo tahli kari wayday baa uu yidhi in ay dalka doorashooyin ay ka qabato,waxaana uu carabka ku dhuftay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkaba ay mar hore ahayd in lagu soo oogo Xil guddosho la’aan maa daama ay tahli kari waayeen in ay dalka ka hir galiyaan qabsomida doorashooyinka Baarlamaanka oo muddo dhaafay.

Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa sidan ka sheegay munaasibad Xisbiga WADDANI u sameeyey qaar kamida taageerayaasha Qurba joogta ee Xisbiga WADDANI,iyo sida oo kale Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee Waddamada dibada oo ka dhacday Hotel Ambassaddor ee magaalada Hargeysa.

"Waxaa habeenadan aad iyo aad loo dhagaysanaayey oo xalay oo u danbaysay aad maqlayseen iyada oo gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo iyada oo ay warbaahinta awal ay lahayd umadda reer Somaliland laakiin hada ay yeelatay kooxda Xukuumada Maamusha ay ka aflagaadaynayaan oo ay leeyihiin muddo ayaa uu korodhsaday oo afar sanadood ayaa uu korodhsaday,waa dhab 2005-tii ayaa golaha wakiilada la doortay,waxaa ay ahayd 2010-kii in ay dhacdo doorashadoodu,waxaa la kordhiyey laba jeer ayaa la kordhiyey yaase kordhiyey cida kordhisay waa kuwa sidaas leh ayaa ah kuwa kordhiyey,waxaa kordhisay Xukuumada maanta jirta markii ay ku fashilantay in ay diyaariso Doorashooyinkii uu Golaha wakiiladu gali lahaa oo Golaha wakiiladu diyaar ayaa ay u ahaayeen in ay galaan sharciguna ,sharciguna waxaa uu dhigayaa golaha wakiilada waxaa badali kara gole la soo doortay,Xukuumadii diyaarin lahayd waxaa ay ku fashilantay in ay diyaariso doorashooyinkii dalka ayadaana kordhisay jiciirteedii si ay u asturto ayey kordhiyeen,laakiin golaha Wakiiladu muu korodhsan muddooyinkana ma kordhiyo,gole kalena waxba uma kordhiyo,nasiib darro oo waliba aad iyo aad wax looga xumaado ah Golahii sharci dajinta oo mar loo kordhiyey Xukuumadu hadana waxaa ay mar awoodi kari wayday markii labaad in ay u diyaariso doorasho si ay u galaan,mar labaad ayaa ay hadana ay kordhisay markaa ceebtaa yaa leh waxaa iska leh waa ciddii xilkeedii gudan wayday,waxaa ay ahayd in xil ka qaadis lagu oogo Madaxweynaha Iyo Madaxweyne ku xigeenkiisaba oo lagu qaado Xil gudasho la’aan ay xilkii umadda gudan waayeen”.Ayuu yidhi Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI.

Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo waxaa uu sida oo kale uu si adag uga jawaabay eedaymo kale oo Xukuumadu muddooyinkii danbe si aan gabad lahayn ay ugu xajiimaynaysay Xisbiyada Mucaaradka dalka taasi oo ay sheegeen in Xisbiyada Mucaaradku ay Xidheen Xuduudkii udhaxeeyey Somaliland iyo wadamada Jaarka ah,waxaana uu ku tilmaamay ayaan darro aad u wayn oo ku habsatay dawlada Somaliland in Xisbiyada mucaaradka ah iyo dad shakhsiyaad ah lagu xajiimeeyo in ay ka danbeeyeen Xidhitaanka Xuduudka,waxaana carabka ku adkeeyey in xuduudka Xidhan ee dalalka ay Somaliland jaarka la tahay uu ka yimi fashil baahsan oo Xukuumada hada talada dalka haysaa ku hanan kari wayday kalsoonida dalalka jaarka ay la tahay,waxaana uu yidhi:

"Waxaa kale oo jirta in muddoyinkii danbe ay Xukuumadu ku celcelinaysay Xuduudkii waxaa naga xidhay Xisbiyada Mucaaradka runtiina arrintaasi waa wax lagu qoslaa waa waxa aad iyo aad looga xumaadaa marka Xukuumadii umaddaa dhan ma talaysay ee Umaddu safka u gashay ee ay dooratay ay sidaas u hadlayso qofkii intii saacadood ee uu ku jiray laynka ayaa uu dib u qoomamaynaa oo waxaa ay odhanayaan nimankii aad wax udirateen waxaa ay eedaynayaan shicibkii Somaliland iyo Xisbiyadii Mucaaradka oo ay leeyihiin iyaga ayaa naga xidhay Xuduudkii dawladihii Jaarka ahaa ee aanu la la hayn,waa wax runtii aad iyo aad looga xumaado aad iyo aadbaanan uga xunahay laakiin waxaanu leenahay waxaa loo xidhay Xududaha waa nasiib darro ku dhacday Somaliland waa fashilaad ay ku fashilantay Xidhiidhkii,maamulkii iyo nidaamkii dawladnimo ee ay la lahayd dawladaha Jaarka ah waxaanu leenahay ceebta gudihiina taala asturta laakiin warbaahinaha ha u soo bixina idinka oo qawan oo cid aan shaqo ku lahayn wax ka sheegaya”.

Ugu danbayntii waxaa uu Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI uu sida uu ku eedeeyey Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE markii uu qabsanaayey talada dalka ay ku yimaadeen qaab qabiilaysan,maantana ay halka ay qabyaaladii dalka ka baabiin lahaayeena ay si fool xun oo kooxo isbahaysi reera ah ku dhaqmayaan uguna guntadeen in hantidii Umadda ee dhexda u ahayd shacabka reer Somaliland in lagu boobo shaadh qabyaaladeed.

"Waxaa ay xukuumadu maalin walba ay warbaahinta kaga sheekaysaa in ay ay bulshada mucaaradku ay qabyaalad wadaan,oo dee dadka la la hadlayaa maanay reer Somaliland ahayn dadka iyo dalku ma imika ayaa ay abuurmeen KULMIYE waxaa uu ku soo baxay waa qabyaalad,Xukunka waxaa uu ku yimi Qabyaalad,laakiin umadda reer Somaliland waxaa ay filaysay in uu qaranimo u badali doono marka uu kursiga gaadho,nasiib darrada inagu dhacdayna waxa weeye qabyaaladii oo koox ah oo kooxaysi ah oo aan lala gabanayn oo lagu oo lagu dhiiran yahay ayaa ayaa si dhaba loogu hawl galay in Xukunkii umadda ka dhaxeeyey iyo waxii ay umaddani ay wada lahayd lagu isticmaalo halka ay maanta qabyaaldu joogto waxaad ka garan kartaa Xibiga KULMIYE ma beelaa ma reera wada yaalaa,yaa ka dhigay?waxaa ka dhigay Xukuumada talada dalka haysa”ayaa uu yidhi Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.




Contact@afkashacabka.com
Conta