"Kordhin waa arrin hore u dhacay oo dawladihii horeba waa loo kordhiyey, cid maanta odhan karta dawladda looma kordhin karo iyo ...." Wasiirkuxigenka Ganacsiga
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir, ayaa ka hadlay dedaalka xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
ugu jirto sidii doorashooyinka soo socda mid walba xiliga loo qorsheeyay ugu dhici lahayd.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga Somaliland, waxa uu sheegay in aanay jirin cid odhan karta muddo kordhin looma samayn karo xukuumadda, haddii ay yimaaddaan duruufo saamixi waaya in doorashada xilligeeda lagu qabto, isaga oo xusay in muddo kordhintu aanay ahayn wax Somaliland ku cusub, hasa-yeeshee xukuumadihii hore ee dalka soo marayba ay muddo kordhin u sameeyeen Golaha Guurtida Somaliland oo hawshaasi khuseyso.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir, oo Wargeyska Somalilandtoday waydiiyey halka uu marayo xeerka cod-bixiyayaasha doorashooyinka ee hor-yaalla Golaha wasiirrada iyo eedeymaha ay siyaasiyiinta axsaabta Mucaaradka ahi u jeedinayaan xukuumadda ee la xidhiidha in aanay daacad ka ahayn in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, ayaa ku jawaabay "Arrinta doorashadu maaha wax xukuumadda oo kaliya u yaalla, waa arin golaha wakiilada wax ku xidhan yihiin, Komiishanka doorashooyinka wax ku xidhan yihiin, asxaabta qaranka oo isku timaadda oo go’aan ka gaadha ay wax ku xidhan yihiin, markaa xukuumaddu in wixii shuruuc dhiman oo doorashada ay isku dubba-riddo oo ay sidaa ku hoggaamiso diyaar-bay u tahay, arrintaana waxa kow ka ah diwaangalinta Muwaadiniinta oo ay bilowday, si loo helo muwaadiniin reer Somaliland ah oo doorashada ka qayb-gala, markaa xukuumaddana waxa ka go’an in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, sida dastuurku dhigayana haddii doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi waydo oo ay yimaaddaan duruufo ay u qabsoomi waydo, waa hawl u taalla golaha Guurtida, haddii xukuumadda loo kordhinayo iyo wixii laga yeelayo waa hawl (Guurtida) u taalla”
Wasiir ku xigeenku, waxa uu sheegay inaan muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda talada haysaa aanay ahayn wax cusub, hasa-yeeshee xukuumadihii horeba loo kordhiyey "Kordhin waa arrin hore u dhacay oo dawladihii horeba waa loo kordhiyey, cid maanta odhan karta dawladda waa loo kordhinayaa ama looma kordhin karo midna ma jirto, hawshaana Golaha Guurtidaa iska leh, markaa anigu sidaas ayaan qabaa”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, oo uu sheegay in xeerka cod-bixiyayaashu hor yaallo Golaha wasiirrada Somaliland "Xeerka cod-bixiyayaashu labada toddobaad ee soo socda golaha wasiirrada wuu ka soo baxayaa, markii horena wuxuu si toos ah ugu gudbay Golaha wakiilada, laakiin waxa lagu soo celiyey xukuumadda, waxaana loo qaybiyey Golaha wasiirrada si ay u soo akhriyaan oo ay u soo darsaan, dhaksho ayayna golaha ugu soo celinayaan waana la ansixinayaa, sidaa daraadeed xukuumaddu way ka go’an tahay inay doorashada xilligeedii ku qabato, wixii qayrul-caadiya ee yimaaddana dastuurka ayaa wax ka odhanaya ama kordhin ha timaaddo (Ama doorasho halla qabto), laakiin ma jirto cid odhan kareysa ma dhici karto (Muddo kordhin)..”
Md. Bashiir Cabdi Xariir, oo dibaaqaya hadal uu Warbaahinta mariyey Wasiirkii hore ee Hawlaha guud ee xukuumaddii hore, Siciid Sulub Maxamed, kaasi oo ahaa in shacabka reer Somaliland ay aayahooda ka tashanayaan haddii doorashada lagu qaban waayo xilliga qoondeeyay ayaa yidhi "Somaliland-baa shireysa iyo waxaasi wax meesha yaalla maaha, waayo hore ayaa looga soo gudbay, xukuumad-baana dhisan, tallaabooyin sharciya ayayna ka qaadan doontaa haddii ay timaaddo (in doorashada la qaban-kari waayo)..”
Wasiir Bashiir Cabdi Xariir, waxa uu farriin u diray asxaabta Mucaaradka ah iyo dadka ku hawlan toosinta qabyaaladda "Xisbiyada Mucaaradka ah, oo xisbiga WADDANI ugu horeeyana waxa looga baahan inay u diyaar-garoobaan doorashadii waalla qabanayaaye, iyaga iyo qolooyinka kale ee ku shaqeynaya inay nidaamka qabyaaladda dadka ku qayb-qaybiyaan iyo waana inay ka baxaan waxa la yidhaahdo Habar-habarta oo ay barnaamij siyaasadeed oo kii KULMIYE oo kale ah dadka ku kasbadaan-baa loo baahan yahay…waxaana looga baahan yahay in aanay dadka ku celin Marxaladdii hore looga soo gudbay ee qabaliga ahayd”ayuu yidhi.
Contact@afkashacabka.com
"Kordhin waa arrin hore u dhacay oo dawladihii horeba waa loo kordhiyey, cid maanta odhan karta dawladda looma kordhin karo iyo ...." Wasiirkuxigenka Ganacsiga
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir, ayaa ka hadlay dedaalka xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)