Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, oo ah ka mid ah Madax-dhaqameedka gobolka Sool ee Somaliland iyo wefti Isimo ah ...
oo dhawaan gaadhay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Gobolleedka Puntland, ayaa ku dhawaaqay in beesha Dhulbahante ee gobolka Sool aqbashay gogol nabadeed oo uu dhawaan fidiyey Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), taasi oo uu sheegay inuu isugu keenayo Dhulbahante iyo beelaha kale ee gobollada Puntland.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, oo dhawaan la sheegay inuu wadahadal la furay Somaliland, ayaa shalay Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas u gudbiyey qoraal dheer oo uu ku taxay baahiyaha ka jira deegaannada gobolka Sool, isaga oo sheegay in Gogasha Madaxwaynaha Puntland dhigay bud-dhig looga dhigo fulinta qodobbada uu Madaxwayne Gaas u gudbiyey.
Qoraalkan oo sidoo kale lagu socodsiiyey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay, ayaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ku dalbaday in Maamulka Puntland uu u qorsheeyo isla-markaana meel ugu shubo dhaqaale uu sheegay in lagu xoreynayo dhul uu sheegay inuu ka maqan yahay Dhulbahante.
Qoraalka Garaadkani gaadhsiiyey Gaas iyo ku xigeenkiisa oo ay ku Kulmeen Magaalada Garoowe, oo ay shalay baahiyeen Warbaahinta Maamulka Puntland, ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan "Mudane, Madaxweyne Beesha Dhulbahante waxay kaa ajiibtay gogoshii aad ku baaqday ee aad u dhigtay beelaha DHULBAHANTE, waxayna diyaar u tahay inay wada xaajood la gasho Dowladda Puntland iyadoo aannu gacan buuxda ka gaysanayno isu soo celinta Bulshadii Puntland.
Mudane, Madaxweyne Beesha Dhulbahante waxay ka mid ahayd tiirarka ugu mihiimsan ee ay Puntland ku taagnayd intii aan madmadowga iyo kala irdhowgu soo kala dhexgelin guud ahaan puntland iyo beelaha DHULBAHANTE, taas oo ay keentay markii ay ka gaabiyeen maamuladii Puntland ee kaa horeeyay, soo celinta dhulka maqan iyo difaaca inta gacanta ku hadhay iyo kasbashada Beelaha DHULBAHANTE.
Mudane, Madaxweyne Beesha Dhulbahante mar walba waxay u taagnayd midnimada iyo wada jirka Dowlada Puntland, iminkana waxay diyaar u tahay soo celinta midnimadaa mugdigu galay, markay ku qanacdo in Puntland u diyaartayahay.
Soo celinta Dalka Maqan ee DHULBAHANTE Iyo Kasbashada Beelaha DHULBAHANTE
Beesha Dhulbahante waxay u aragtaa in wadahadalka dhexmaraya iyada iyo Dowladda Puntland in uu ku midha dhali karo la iskuna aamino karaa uu yahay in Dowladda Puntland caddayso barnaamijkeeda rasmiga ah ee ku waajahan DHULBAHANTE iyo xoraynta dhulka maqan, taas ayaana ah furaha wadahadalka, Iyadoo dowladdu daboolayso waajibaadkeeda dastuuriga ah.
1.Xorreynta iyo Difaaca
Waa inay Dowladda Puntland diyaar u tahay inay iyadu masuul ka tahay xorreynta dhulka maqan lagana arko ficil ahaan.
Waa inay Dowladda Puntland inay ururiso ciidan beeleedada ku baahsan dhulka DHULBAHANTE ee u diyaarka ah inay ka qayb qaataan xoraynta dhulka. Waa inay Dowladda Puntland ururisaa gaadiidka dagaalka ee ku baahsan dhulka DHULBAHANTE, diyactirna ku samayso.
2.Xallinta Khilaafaadka
Mudane, Madaxweyne Dowladda Puntland waa inay isu taagtaa xalinta khilaafaadka beesha Dhulbahante gudaheeda ka tagaan oo ah raadadkii ay ka tageen siyaasaddii laga dhex abuuray beesha Dhulbahante dhexdeeda.
Mudane, Madaxweyne sidaad la socoto dhacdadii Taleex ka dhacday ee uu geystay Maamulkii kaa horreeyay ee Puntland, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac, dhaqaale burbur weyn, barakac iyo colaad sokeeye oo reebtay raadad danbe oo iyana dhimasho iyo dhaawacba leh, welina dhibtii way taagan tahay.
Hadda Mudane Madaxweyne waa in Dowladda Puntland ka geysato gacan mug leh sidii loo xallin lahaa dhibaatadaa culus ee ka taagan deegaanka Taleex. Arrintaa Taleex wax ka qabashadeedu waxay fure u noqonaysaa, soo dabaalida dadka iyo wax ka qabashada deegaanada Dhulbahante iyo xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee deegaanada Dhulbahante.
3. Horumarinta Arrimaha Bulshada iyo Deegaanka
Dowladda Puntland waa inay gudataa waajibaadkeeda Horumarineed ee ku aaddan Deegaanada Beesha Dhulbahante, lagana helaa mashaariicda horumarineed iyo adeegga bulsho ee ay xaqa u leeyihiin sida gobollada kale ee Puntland ay u helaan (Development Projects and Social Service).
Caafimaadka:-Inta badan dhulka DHULBAHANTE xarumaha caafimaadka ee ku yaalla waa tabar daran yihiin kuwona maba lahaba, markaa dowladda puntland waxaa laga rabaa inay daboosho baahiyaha caafimaadka sida; Dhismayaal MCH-yo, tababaro loo sameeyo shaqaalaha caafimaadka, in la geeyo dawooyin iyo qalab ku filan si uu u daboolo baahida caafimaad.
Waxbarasha: Dowladda Puntland waxaa laga rabaa inay daboosho baahiyaha waxbarasho dhulka ay ka jiraan baahida waxbarasho, sida dhisid School cusub, tababaridda macalimiinta, agabka waxbarashada iyo in deeqa waxbarasho ee beesha caalamka laga helo qaybtooda la siiyo Deegaanada DHULBAHANTE.
Biyaha: Dowladda Puntland waxaa laga rabaa inay daboosho baahiyaha biyaha ee ka jira Puntland, deegaanada DHULBAHANTE-na waxay ka mid yihiin dhulka ugu baahi badan dhanka biyaha, waxaana laga rabaa qodis ceelal biyood, dayac tir kuwii hore, qodis balliyo.
Xannaada xoolada: Dowladda Puntland waxaa laga rabaa inay isu taagto xanaanaynta xoolaha maadaama uu yahay laf-dhabarta dhaqaalaha aynu ku noolnahay.
Deegaanka: Dowladda Puntland waa inay ka hawlgashaa wax ka qabashada deegaanka dhimanaya, kana hortagtaa xaalufinta dhulka, gubista dhuxusha iyo dooxooyinka baaba’aya ee boholaha isu beddelaya.
4.Maamulka Dowladda
Mudane Madaxweyne waxaa ka mid ah tabashooyinka Beesha Dhulbahante xilalka golayaasha dowladda sida:- Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha Guud, Garsoorka, Ciidamada, Hay’addaha Madaxa bannaan.
Mudane Madaxweyne waxay Beeshu u aragtaa in miisaankii ay xaqa u lahayd aanay ku haysan Puntland.
Mudane Madaxweyne Gobolka Sanaag waxaa dega beelaha harti ah, balse maamulka gobolka Sanaag wuxuu ku kooban yahay hal reer oo ka mid ah reeraha dega, xaqna uma laha in hal reer maamulku gacanta u galo.
5.Cabasho iyo Talo Soo Jeedin
Mudane Madaxweyne, waa in Dowladda Puntland u hawlgasho sidii gogosha aad u dhigtay Beesha Dhulbahanta ay u midha dhali lahayd, Dhulbahante oo dhamina ay uga qayb gali lahaayeen.
Mudane,Madaxweyne waxaannu kale oo soo jeedinaynaa in dhaqaale joogto ah oo ku aaddan xoreynta iyo kor soo qaadista gobollada oo intii la haystay dib u dhac baahsan ku yimid loo qoondeeyo jantuwaale go’an (Assined Percentage of the Government Income) loona furo xisaab u gaar ahna loogu shubo laguna meelmariyo hawshaas xoreynta iyo horumarinta.
Wabillaahi Towfiiq
Weftiga Beesha Dhulbahante
Wefti Uu Hoggaaminayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Ka Shirey Colaad Ay Ka Huriyaan SOOL & Miisaaniyad Loo Qorsheynayo
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, oo ah ka mid ah Madax-dhaqameedka gobolka Sool ee Somaliland iyo wefti Isimo ah ...