Daawo Muqaal:Gudomiyaha Barlamaanka Somaliland oo Dib Ugu Soo Guryo Noday Dalka Kana Waramay Safar Qatay Laba Malmood Oo Ku Tagay DJibuti

0
Friday August 01, 2014 - 17:12:21 in by salman abdi
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Muqaal:Gudomiyaha Barlamaanka Somaliland oo Dib Ugu Soo Guryo Noday Dalka Kana Waramay Safar Qatay Laba Malmood Oo Ku Tagay DJibuti

    Gudomiyaha Barlamaanka Somaliland Ahan Gudomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani oo Dib Ugu Soo Guryo Noday Dalka Kana Waramay Safar Qatay Laba Malmood Oo Ku Tagay Dalka Jabuuti iyo Kulankii Dhaxmaray Madaxwaynaha Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudomiyaha Barlamaanka Somaliland Ahan Gudomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani oo Dib Ugu Soo Guryo Noday Dalka Kana Waramay Safar Qatay Laba Malmood Oo Ku Tagay Dalka Jabuuti iyo Kulankii Dhaxmaray Madaxwaynaha Jabuuti


Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in isaga iyo Golaha wakiiladuba diyaar u yihiin Inay xilka wareejiyaan Marka Xukuumaddu Qabato Doorashada Madaxtooyadda, sidaana wuxuu ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayay garoonka diyaaradaha Egal ee Hargaysa, isagoo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Jabuuti, waxaana hadaladiisi kamid ahaa.


"Guud ahaana dareenka dunida iyo sida aan qabo ka shacbiga reer Somalilandba maanta wax qudha ayaa la sugayaa,waxaa la sugayaana waxa weeye Xukuumada oo lays waydiinayaa goor may qabanaysaa Doorashadii,waxaan ka warqabnaa sida Xeerku uu tilmaamayo Doorashada waxaa ka horaynaysa Diiwaan galin diiwaan galintu waxa weeye waxaa la diiwaan galinayaa dadka codaynaya ee qaan gaadhka ah ee reer Somaliland arrintaasi meel wanaagsan ayaa ay soo gaadhay waa laga wada shaqeeyey laakiin laba arrimood ayaa wali ka qabyo ah ansixinta waxkabadalka iyo kaabista Xeerka Diiwaan galinta oo barigii hore Diiwaan galinta la sameeyey waxaa lagu sameeyey faraha laakiin maanta waxaa lagu daray Indhaha markaa xeekaasi Xukuumada ayaa uu horyaala,waxaana laga sugayaa Xukumada Xeerkaasi si ay u bilaabanto wakhtigii loogu tala galay diiwaan galinta ee ahaa bisha 9-aad xeerka haddii ay golaha u soo gudbiso si dhakhso ahna haddii ilaahay ka dhigo uu golahuna waa jibkiisii ka guto,arrinta kale waxa weeye ee ka qabyada ahi ee mujtamaca dawliga ahina inaga sugaayo arrinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka,haddii Komishankan jooga loo kordhinaayo muddadiisa iyo haddii kale oo talo kale oo midaysan oo lagu midaysan yahay la qaadanayaba taana waxaa laga rabaa in ay Xukuumadu ay soo bandhigto.Waxaa aduunkuna rajaynayaa shacbiguna rajaynayaa in diiwaan galintu wakhtigeedii ay ku bilaabanto oo aan wax dib u dhac ahi ku imanin ".


Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu sida oo kale uu daboolka ka qaaday in beesha Caalamka iyo waliba bulshada reer Somaliland waxa qudha ay sugayaan ay tahay in dalka ay Doorasho ka dhacdo.

"Horena ugamaan baqan haddana ka baqan maayo laakiin wada shaqaynbaa naga dhaxaysa Xukuumada Wasiirkana maan dhagaysan,Wasiirka Cukuse waxba hadda ka sheegi maayo shakhsiyadiisa laakiin muddo kordhinta shacbiguna ma ogala Caalamkuna ma ogala,waxaa la doonayaa in doorashadu ay wakhtigeedii ay ku dhacdo,muddo kordhinba la sheegayey laga hadlay Baarlamaanka xilka qabashada Doorashada amaa Golaha Wakiilada ha noqoto ama Gole kale ha noqoto Xukuumada ayaa uu saaran yahay aniga iyo Golaha Wakiiladuba waxaanu diyaar u nahay in marka Xukuumadu ay qabato Doorasho Golaha Wakiilada ah in aanu amaanadii aanu shacbiga u soo celino laakiin su’aashu waxa weeye goorma ayaa ay qabanaysaa Doorashada?”.Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.


Guddoomiye Cirro waxaa uu ugu danbayn ka hadlay Siyaasada Habar Magaadada ah ee Muddooyinkii danbe Xukuumada Siilaanyo si aada ugu xajiimaynaysay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

"Aniga waxaa ay ila tahay wax lagu qoslo ninka muwaadinka ah ee Markuu KULMIYE joogayna aan reerka ahayn Markuu WADDANI yimina reerka noqonaya ama Habar-noqonaya”,markaa waxaa ay illa tahay muwaadiniintu xaqba ay u leeyihiin hadday WADDANI ka baxayaan iyo haday KULMIYE ka baxayaanba laakiin anagu muwaadinka WADDANI ka baxa ee KULMIYE taga reer ku sheegi mayno taasi markaa Xukuumada ayaa ay u taalaa”Ayuu yidhi Md:Guddoomiye Cirro.









Contact@Afkashacabka.com