Xildhibaan lagu dilay Muqdisho jimcihii Maanta iyo Alshabaab oo ka hadashay Dilkiisa
ay kooxo hubeysani ku toogteen degmaada Xamarweyne oo ka tirsan gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay dilkiisa sheegatay Malleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Rag hubaysan ayaa toogtay Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Maaliyadda Baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo ku toogtay goob ku dhaw gurigiisa oo ku yaalla degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.
Dad goob-joogayaal ahaa, ayaa Weriyeyaasha u sheegay in dabley ku sugaysay gurigiisa agtiisa, markii uu ka soo noqday ama laabtay Masaajidka Marwaas oo uu ku soo tukaday Salaaddii Jimcaha ee maanta ka dib ay Rasaas ku fureen Xildhibaanka isagoo isla goobtaas ku geeriyooday.
Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyo Marxuumka, ee waxaa Masuuliyadda dilkiisa sheegatay Al-Shabaab ee ugaadhsiga ku haysa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Malleeshiyadaas Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.
Afhayeenka Howlgallada Argagixisannimo u qaabbilsan Al-Shabaab Sh. Cabdulcasiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in Malleeshiyadooda gaarka ahi ay toogasho ku dileen Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Deer. "Ciidammada Mujaahidiinta ayaa gudaha Muqdisho ku dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha sheegay inuu yahay sharci-dajiye, waana sii socan doonaan howlgallada lagu cidhibtirayo cadowga.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Hawlaha Argaggixisada u qaabbilsan Malleeshiyada Al-Shabaab Abuu Mascab.
Afhayeenka hawlgallada Al-Shabaab, ayaa sheegay inay ka go’an tahay oo hadafkoodu yahay inay sii wadaan dilalka Xildhibaannada Baarlamaanka inta ay ka dhammaynayaan sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku andocooday inuu Baarlamaanku yahay ka sharciyeeyey inay Ciidammada nabad-ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM Soomaaliya ku sugnaadaan oo ay hawlgallo ciidan ka fuliyaan.
"Alle ha idin barakeeyo ayaan leennahay Mujaahidiinta gobolka Banaadir ku sugan. Waxaana ka go’an inay beegsiga Xildhibaannada sii wadaan, ayna ku beegsadaan meel walba oo ay ka heli karaan. Waxaana sharciyada ay hore u dejiyeen ka mid ah inay dalka soo galaan Ciidammada shisheeyaha ah.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka hawlgallada Al-Shabaab SH. Cabdilcasiis Abuu Mascab.
Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer, ayaa noqonaya Xildhibaankii saddexaad ee tan iyo bishii Ramadaan ay Al-Shabaab ku disho gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ka horreeyey Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo labadoodaba ay Al-Shabaab Muqdisho ku dishay intii lagu gudo jiray Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ee toddobaadkii hore dhammaatay.
Contact@afkashacabka.com
Xildhibaan lagu dilay Muqdisho jimcihii Maanta iyo Alshabaab oo ka hadashay Dilkiisa
Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah lagu dilay magaalada Muqdisho, ka dib markii..