Hawlihii Shaqo Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo istaagay, Maayar SOLTELCO Dhulkii WFP Mar Kale Iibiyay.

0
Thursday December 21, 2017 - 12:40:22 in by Burco Office
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawlihii Shaqo Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo istaagay, Maayar SOLTELCO Dhulkii WFP Mar Kale Iibiyay.

    Hawlihii Shaqo Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo istaagay, Maayar SOLTELCO Dhulkii WFP Mar Kale Iibiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlihii Shaqo Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo istaagay, Maayar SOLTELCO Dhulkii WFP Mar Kale Iibiyay.
Hawlihii shaqo ee golaha deegaanka hargeysa ayaa gabi ahaanba fadhiistay kadib markii ay xafiisyadooda kaba soo xaadiri waayeen maayarka iyo ku xigeenkiisu dhanka kale maayar soltelko ayaa isagu laf dhuun gashay ku noqday hawlaha shaqo ee golaha deegaanka caasimadda kadib markii uu ku fashilmay masuuliyadii loo igmaday islamarkaana uu hawlihiisii shaqo ka doorbiday lunsiga iyo dhaca hantida umadda isagoo maalmihii u dambeeyay iibiyay dhulkii haayadda WFP ee masalaha , hoolkii waynee ee inji oo uu sifo sharci darro ah lacagtiisii ku qaatay iyo sidoo kale musuqmaasuq baahsan oo uu kula kacay dhaqaalihii yaraa ee ku aadanaa cashuurta ummadda.

ka soo xigannay Shabakadda Wararka ee Baligubadle Media, ayaa waxa uu intaas ku daray in Maayar SOLTELCO ayaa Gaadhi qiimihiisu yahay 200 oo kun oo dolar gurigiisa iskaga dhigtay islamarkaana ka dhaga adaygay Ammar hanti dhawraha guud ee qaranku ku siiyay ugu gudbiyay inuu gacanta dawladda ku soo celiyo gaadhigaas uu gurigiisa gaystay. dhanka kale waxa ilaa hadda aan qabsoomin kalfadhiyadii golaha deegaanka caasimadda kuwaas oo isaga awgii u xaniban iyadoo maayar ku xigeenkiina safar bilaa fasaxa ku jooga adisababa ilaa iyo hadda dawladda hoose ee hargeysa ayaan laga ansixin miisaaniyadii sanadka 2018 oo bishii sagaalaad la dhamaystiray balse u xaniban maayar soltelko kalfadhi la’aan maadaama oo duqii caasimaddu hawlihiisii shaqo ku fashilmay.

Waxaannu SOLTELCO durba isbidayaa awood aan hore loogu aqoon oo ku aadan inuu adeerkii dalka madaxwayne ka yahay islamarkaana aanay jirin cid wax ka qaadi kartaa Haddaba, wasaaradda arrimaha gudaha somaliland ayaa looga baahanyahay inay si degdega talaabo uga qaado maayar soltelko oo noqday maayarka kaliya ee kursiga isa siiyay waxaa kaloo umaddu madaxwaynaha cusub ka filaysay inuu cadaaladda ka bilaabo inamadda uu adeerka u yahay ee hantidii umadda siday doonaan ugu takri falay waxaase ilaa hadda umaddu ka war sugaysaa go’aanka madaxwayne muuse biixi ka qaadan doono maayar soltelkaha fashilmay halkan ka akhriso warqad wasaaradda arrimuhu guduhu u diray maayarka oo ku saabsan dhulka uu iibiyay ee haayadda WFP inaan lagu dhici karin in la iibiyo maadaama oo ay haayad caalami ahi leedahay