Farmaajo Oo Maanta safar Ku Imanaya Magaalada Garowe Iyo Safarkiisa Uu Uga Soo Xad Gudbo Somaliland + Sanaag Bari Oo Uu Ku Soo Jeedo.

0
Saturday January 06, 2018 - 11:29:14 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Maanta safar Ku Imanaya Magaalada Garowe Iyo Safarkiisa Uu Uga Soo Xad Gudbo Somaliland + Sanaag Bari Oo Uu Ku Soo Jeedo.

    Farmaajo Oo Maanta safar Ku Imanaya Magaalada Garowe Iyo Safarkiisa Uu Uga Soo Xad Gudbo Somaliland + Sanaag Bari Oo Uu Ku Soo Jeedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo Oo Maanta safar Ku Imanaya Magaalada Garowe Iyo Safarkiisa Uu Uga Soo Xad Gudbo Somaliland + Sanaag Bari Oo Uu Ku Soo Jeedo.

Madaxweynaha dawladda tamarta daran ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa la filayaa inuu soo gaadho magaalada Garowe ee Puntland, halkaas oo hadda laga dareemayo qaban qaabada soo dhawayntiisa


Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhulka Puntlnd ku sugnaan doono afar maalmood, waxaana jira warar tilmaamaya suurtogalnimada inuu booqasho ku tago deegaano ka tirsan gobalka Sanaag ee Somaliland gaar ahaan Sanaag-bari. Wararka ayaa sheegaya inuu weftiga Farmaajo hordhac u ahaa wasiirkii qorshaynta Somaliya ee dhawaan socdaalka ku yimid gobalka Sanaag, kaas oo kulamo uu la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka u sheegay in Mr. Farmaajo uu booqan doono jidka isku xidha Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo oo uu sheegay in dawladda Muqdisho ay lacag ku darayso dhismaha jidkaas.

Mr. Farmaajo ayaa wuxuu furi doonaa mashaariic ka hirgalay Puntland oo lala sugayay inuu isagu furo sida dib u dhis iyo casriyayn lagu sameeyay madaarka Garowe, waxaanu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda maamulka Puntland.

Dawladda Somaliland ayaa la eegi doonaa talaabada ay qaado haddii uu mr. farmaajo socdaal ku yimaado deegaano ka tirsan Somaliland, iyadoo xukuumadu socadalkii wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya ku tilmaantay daandaansi.