Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaraya garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe

0
Monday January 08, 2018 - 10:04:43 in by salman abdi
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaraya garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe

    Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaraya garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaraya garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in uu maanta xariga ka jaro Garoonka cusub ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland laga hergaliyay.

Waxaa socta qaban qaabada munaasabada furitaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe, oo ay ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qaar ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ciidamada Puntland ayaa lagu arkayaan xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana ay wadaan hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Magaalada Garoowe, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.