War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Hore-na Ka Bilaabay Hawlihii Xafiiskiisa.

0
Monday January 08, 2018 - 10:04:43 in by salman abdi
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Hore-na Ka Bilaabay Hawlihii Xafiiskiisa.

    War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Hore-na Ka Bilaabay Hawlihii Xafiiskiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Hore-na Ka Bilaabay Hawlihii Xafiiskiisa.

madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd dalka dib ugu soo laabtay.


Wararka laga helayo soo laabashada madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegaya inaanu la hadlin warbaahinta isla markaana uu toos u tagay xafiiskiisa qasriga madaxtooyada isaga oo hore ka bilaabanay hawlihii sugayey mudadii uu ku maqnaa dalka Jabuuti.Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisa ayaanay cidina ku soo dhawayn garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo dageen, iyada oo guud ahaan shacabka magaalada Hargeysa aanay dareemin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo muujinaya in madaxweyne Muuse Biixi dalka ku soo laabanayo.

Wasiirada arimaha dibada iyo waxbarashada ayaa faahfaahin ka bixiyey safarka uu madaxweyne Muuse Biixi ugu maqnaa dalka Jabuuti.

 

Sidoo kale garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaan laga dareemin wax isbadal ah oo muujinaya in madaxweyne Muuse Biixi soo dagayo, iyada oo xubnaha golaha wasiiradana aanu mid kaliyana iman garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale may jirin dadweyne loo soo abaabulay soo dhawaynta madaxweynaha, arday la soo saaray, askar wadooyinka la tumay iyo caalamad kasta oo muujin karaysay in madaxweyne Muuse Biixi dalka ku soo laabanayo.