Dagaalkii Ciidamada Somaliland Ku Galeen Deeganka Tuke-Raq Oo FArmaajo Ka Baajiyay Socodalkiisii Deeganada Taleex Iyo Buuhoodle.

0
Tuesday January 09, 2018 - 09:49:05 in by salman abdi
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii Ciidamada Somaliland Ku Galeen Deeganka Tuke-Raq Oo FArmaajo Ka Baajiyay Socodalkiisii Deeganada Taleex Iyo Buuhoodle.

    Dagaalkii Ciidamada Somaliland Ku Galeen Deeganka Tuke-Raq Oo FArmaajo Ka Baajiyay Socodalkiisii Deeganada Taleex Iyo Buuhoodle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkii Ciidamada Somaliland Ku Galeen Deeganka Tuke-Raq Oo FArmaajo Ka Baajiyay Socodalkiisii Deeganada Taleex Iyo Buuhoodle.

Inkastoo,Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo kuyimid shaley Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ujeedadiisu daarneyd Mawduuc Siyaasadeed oo la xidhiidha in uu Taageero ka helo Puntland lagaga Mustafeynayo Xubnaha Xildhibaanada ka horyimid Xukuumadiisa haddana, waxa aan ka madhneyn in uu Socdaal kadis, kusoo gaadho Deegaano katirsan Gobolka Sool khusuusan Degmada Taleex iyo Buuhoodle, oo uu u niyaynayey in uu mar cagaha dhigo Caradda Abtiyaashii,kuna galo sawir Taariikheynaya Safarkiisa Puntland.

Inkastoo,Socdaalka Farmaajo ee Garoowe kusoo beegmay,Xili Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi safar kooban ugu maqnaa dalkaasi Jabuuti Hadana waxa ay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa cusubi maalmihii u dambeeyay Dareen togan ka qabeen hadalheyntii Shacbiga iyo Xisbiyadda Mucaaridka ahi ku qaadaa dhigeen mid kamid ah, Golaha Wasiiradda Xukuumadda Farmaajo oo

Socdaal ku yimid Badhan kaas oo boog looga dhigay Xukuumadan islamarkaana, si aad ah loo hadal hayey Todobaadyadii u dambeeyay,waana sababta soo dadajisey in Madaxweyne Muuse Biixi si dhakhso ah dalka ugu soo gurya noqdo sidoo kalena,soo qadintey Weerarka degdega ah, ee Ciidamadu Qaranku ugu ekaysiiyeen Tuko-Raq.

 

Xaalada ayaa hadda ka degan sidii hore sida ay nagu soo gaadhayaan Wararka ka imanaya Dhinaca Jiidaha u dhexeeya Somaliland iyo Puntland iyadoo guud ahaanba la joojiyey Socdaalkii dhinaca Dadweynaha oo ay labada dhinac iskaga furnaayeen anadihii u dambeeyay.Sikasta oo ay tahey,Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe ayaaney ka maqneyn Saraakiisha Ciidamadu iyo waliba Ciidamo gaar ah oo kamid ah Ciidankiisa daacada u ah kuwaas oo iyaguna kasoo galey Dhinaca Magaalada Gaalkacayo kadib markii ay socdaal dhulka ah kaga soo gudeen Magaalada Muqdisho maalin ka hor safarkiisii Shaley uu kusoo gaadhey Garoowe, ilaa iyo haddana lama hubo in Madaxweyne Farmaajo dagaalkii awgii uga baaqsan doono socdaaladii uu ku tagi lahaa Buuhoodle iyo Taleex iyo in uu awood Ciidan ku iman doono si Mushkilad iyo Dagaal xoogani uga dhex qarxo Somaliland iyo Puntland.