Askar careysan oo xiray waddooyinka Bouake ee dalka Ivory Coast

0
Wednesday January 10, 2018 - 10:18:21 in by salman abdi
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar careysan oo xiray waddooyinka Bouake ee dalka Ivory Coast

    Askar careysan oo xiray waddooyinka Bouake ee dalka Ivory Coast

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar careysan oo xiray waddooyinka Bouake ee dalka Ivory Coast

Dhawaqa rasaas iyo hub culus ayaa waxaa laga maqlayay magaalada labaad ee ugu weyn waddanka Ivory Coast ee Bouake.

Iskudhacyada ayaa ka dilaacay saldhigyo milateri oo magaaladaas ka ag dhaw, waxaana dagaalku uu dhexmarayaa kooxo ka wada tirsan milateriga oo uu xifiiltan ka dhaxeeyo.

Magaalada Bouake oo ku taalla bartamaha waddanka Ivory Coast ayaa udub dhexaad u aheyd gadood xiriir ah oo sanadkii la soo dhaafay ay ciidammada kaga cabanayeen arrimo ay ka mid yihiin mushaarka iyo dalacsiinta.

Is-rasaaseynta ka dhacday magaalada Bouake ayaa socotay dhowr saacadood.

Dadka deegaanka iyo weriyayaashu waxa ay kusoo waramayaan in rag ku labisan dareeska booliiska ay rasaas cirka u ridayeen iyaga oo xiray waddooyinka.

Waxaa jiro sidoo kale warar sheegaya in korantada laga jaray deegaanada qaar magaaladaasi.

Askarta careysan ayaa u muuqda mucaarad hore oo haatan kusoo biiray askarta balse aanan ku faraxsaneyn mushaharkooda.

Ciidamaddan ayaa fadhigooda ugu weyn waxa ay ku leeyihiin magaalo xeebeedka Bouake ee bartamaha waddanka Ivory Coast.

Waxa ayna aad uga careysan yihiin joogitaanka halkaasi unugya ka mid ah milatriga oo lagu magacaabo CCDO.

Waxa uu sheegay sarkaal ka mid ah ciidamaddan in haatan si muuqata loo weeraray saldhigyadooda ugu weyn Bouke.

Toddobaadkii lasoo dhaafay isku dhacyadan ayaa waxaa ku dhitnay saajin ka mid ah ciidamadaasi.