YouTube oo ciqaabtay nin caan ah oo mayd muuqaal ka duubay

0
Thursday January 11, 2018 - 11:58:51 in by salman abdi
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    YouTube oo ciqaabtay nin caan ah oo mayd muuqaal ka duubay

    YouTube oo ciqaabtay nin caan ah oo mayd muuqaal ka duubay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

YouTube oo ciqaabtay nin caan ah oo mayd muuqaal ka duubay

Shirkadda YouTube ayaa jartay xiriirkii xayaysiinta ee ay la lahayd nin caan ka ah bartan muuqaallada la iskula wadaago ka dib markii uu baahiyay muuqaal muujinaya qof mayd ah oo u muuqda in uu is dilay.

Logan Paul ayaa laga joojiyay barnaamijka shirkadda YouTube ay lacagaha ku kiiso dadka muuqaallada ay soo galiyaan aad loo daawado.

YouTube ayaa sidoo kale hakisay xiriirkii u horreeyay ee ay kala sixiixdeen ninkan Maraykanka u dhashay.

Paul ayaa soo bandhigay muuqaal uu ka duubay nin mayd ah 31 bishii Diseembar, taas oo caro wayn dhalisay.

Muuqaalka ayaa laga dhex arki karaa isaga iyo saaxiibkii oo ku sugan kaynta Aokigahara ee dalka japan, buurta Mount Fuji ee halkaas ku taala ayaana caan ku ah dadka is dila.

Iyaga oo muuqaal iska duubaya ayayna ku soo baxeen mayd nin wayna argagaxeen balse kaftan ayay ku dareen.

Lama garanayo aqoonsiga ninka maydka ah.

Dadka aragtidooda ka dhiibtay muuqaalkan ayaa ku tilmaamay "ixtiraam darro iyo arrin aad u fool xun" muuqaalkan intii aan Youtube laga saarin waxaa la daawaday malaayiin jeer.