magacyada Lix Hayadood Iyo Guddiyo Gaar U Taagnaa Oo Uu Madaxweyne Biixi Hoos Geeyay Wasaarado Kala Duwan.

0
Thursday January 11, 2018 - 11:58:51 in by salman abdi
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    magacyada Lix Hayadood Iyo Guddiyo Gaar U Taagnaa Oo Uu Madaxweyne Biixi Hoos Geeyay Wasaarado Kala Duwan.

    Magacyada Lix Hayadood Iyo Guddiyo Gaar U Taagnaa Oo Uu Madaxweyne Biixi Hoos Geeyay Wasaarado Kala Duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Lix Hayadood Iyo Guddiyo Gaar U Taagnaa Oo Uu Madaxweyne Biixi Hoos Geeyay Wasaarado Kala Duwan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lix hay’adood oo hore gaar u ahaa, wuxuu hoos geeyay lix wasaaradood oo kala duwan, waxaanay ka mid noqonayaan waaxo ka tirsanaan doona wasaaradaha lagu daray.


Dhawaan ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu soo saaray xeer nidaamiyaha dhismaha wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda. Laakiin saxaafadda looma soo bandhigin xeer-nidaamiyahaas, balse xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland ayaa ku sameeyay faafin rasmi ah, waxaana hay’adaha iyo guddiyada iyo wasaaradaha lagu daray ay kala noqonayaan sidan hoos ku qoran:

  1. Guddigii hore ee mihnadlayaasha caafimaadka, waxa lagu daray wasaaradda horumarinta Caafimaadka
  2. Hay’adii hore ee abaabul ka saarka iyo hub ka dhigisita qaranka (NDC) waxa lagu daray wasaaradda gaashaandhiga
  3. Hay’adii hore ee miino-saarka (NDA), iyo hay’adii hore ee W/qabadka miinada SMAC waxa lagu daray wasaaradda gaashaandhiga
  4. Guddigii hore ee dib u habaynta shuruucda iyo guddigii hore ee baadhista xasuuqa, waxa lagu daray wasaaradda cadaaladda
  5. Hay’adii hore ee xabkaha iyo faleenka, waxa lagu daray wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska
  6. Hay’adii hore ee Tiknoolajiyada qaranka ICT Commission, waxa lagu daray wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada

Faafinta rasmiga ah ee xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka, oo ka sii hadlaya hay’adahan iyo guddiyadan, wuxuu yidhi "Hay’adaha gaarka ah ee lagu kala daray wasaaradaha, sida ku xusan farqada 1aad ee qodobkan waxay noqonayaan waaxo ka mid ah wasaaradaha lagu daray, iyada oo wasiirada wasaaradaha ay khusayso ay ku habayn doonaan qaab dhismeedka wasaaradahooda.”

Xeer nidaamiyahan la faafiyay, waxa kale oo lagu qeexay shaqooyinka iyo xilalka wasaaradaha xukuumadda Somaliland.