Dawladda Federaalka Etoobiya Oo Soo Saaray Waaran Lagu Qabanayo 55 Xubnood Oo ka Soo Jeeda Kililada Soomaalida Iyo Oromada.

0
Thursday January 11, 2018 - 11:58:51 in by salman abdi
  • Visits: 478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Federaalka Etoobiya Oo Soo Saaray Waaran Lagu Qabanayo 55 Xubnood Oo ka Soo Jeeda Kililada Soomaalida Iyo Oromada.

    Dawladda Federaalka Etoobiya Oo Soo Saaray Waaran Lagu Qabanayo 55 Xubnood Oo ka Soo Jeeda Kililada Soomaalida Iyo Oromada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Federaalka Etoobiya Oo Soo Saaray Waaran Lagu Qabanayo 55 Xubnood Oo ka Soo Jeeda Kililada Soomaalida Iyo Oromada.

Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa soo saartay waaran qabasho oo dhan 55 oo lagu soo qabanayo dad ka kala tirsan kililada Soomaalida iyo Oromada oo lagu eedeeyay inay si weyn uga qayb qaateen rabshadihii dhimashada iyo dhaawaca keenay ee dhex maray labadaas qoomiyadood.


Wasiirka difaaca Itoobiya Siraj Fegessa oo sidoo kale ah xoghayaha guddiga amniga Itoobiya, ayaa masuuliyiinta kililada Soomaalida iyo Oromada ku eedeeyay inay qarinayaan dadkaas la raadinayo, si buu yidhi cadaaladda loo horgeeyo.

Wasiir Siraj oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa, wuxuu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya soo saartay waaran ah in la soo qabto 29 ruux oo ka tirsan kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya oo lagu eedaynayo inay ku lug lahaayeen rabshadihii dhacay. Wuxuu sheegay in 12 ka mid ah ilaa hadda la soo qabtay laakiin aan weli la haynin dadkii kale.

Wuxuu kaloo sheegay in dawladda federaalka Itoobiya sidoo kale soo saartay in la soo qabto 26 ruux oo ka tirsan kililka Oromada oo iyagana rabshadahan lagu eedaynayo, waxaanu sheegay in saddex qof oo keliya ilaa hadda gacanta lagu soo dhigay.

Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan soo bandhigtay warbixin ay soo saareen guddi loo saaray inay ka soo warbixiyaan waxyaabihii ka dhacay labadaas kilil taas oo markii ay soo bandhigeen noqotay mid naxdin leh islamarkaana sababtay in la soo saaro waaran dad badan lagu xidhaayo.

XIGASHO GEESKA