Xog Culus:- Magacyada Masuuliyiin Xilal Muhiim Ah Ka Haya Dawlada Soomaaliya Oo Dacwad Culus Laga Gudbiyey.

0
Thursday January 11, 2018 - 11:58:51 in by
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Culus:- Magacyada Masuuliyiin Xilal Muhiim Ah Ka Haya Dawlada Soomaaliya Oo Dacwad Culus Laga Gudbiyey.

    Xog Culus:- Magacyada Masuuliyiin Xilal Muhiim Ah Ka Haya Dawlada Soomaaliya Oo Dacwad Culus Laga Gudbiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog Culus:- Magacyada Masuuliyiin Xilal Muhiim Ah Ka Haya Dawlada Soomaaliya Oo Dacwad Culus Laga Gudbiyey.

Hogaanka xisbiga Waddajir ee dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey magacyada masuuliyiin ka tirsan dawlada oo ay dacwad ka gudbiyeen.

 


Gudoomiyaha xisbiga Waddajir Kamaal Guutaale ayaa ugu horayn sharaxay dacwada ay gudbiyeen waxaanu yidhi "Waxaanu hore u sheegnay in aanaan ka hadhi doonin dadkii askarta soo amray, maantana waxaanu soo bandhigaynaa dacwad kale oo aanu gaynay xeerGudoomiyaha ururka Waddajir Kamaal Guutaale iyo xoghayaha guud ee xisbigaasi Sayid Cali ayaa sheegay inay dacwad ka gudbiyeen xeer ilaaliyaha qaranka, ku simaha taliyaha hay’adda nabad sugida, agaasimaha madaxtooyada iyo saraakiil kale oo ka tirsan nabad sugida kuwaasoo ku eedeeyey inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday xarunta xisbigooda.

 


ilaalinta qaranka iyo maxkamada gobolada Banaadir, dacwadaasi waxay daba socotaa tii hore waxaanay eedaynaysaa saraakiisha iyo askartii ka dambaysay falkaas ee shaqada ku lahayd.”

 

Gudoomiye Kamaal Guutaale oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay magacyada masuuliyiinta ay dacwada ka gudbiyeen waxaanu yidhi " saraakiishas waxa ka mid ah.

 

1.Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah ku simaha agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Nisa

 

2.Saadaq Cumar Xasan oo ah agaasimaha gobolka Banaadir ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka

 

3.Cabdixakiin Nuur Ciise oo ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka arimaha dibada

 

4.Yaasiin Ganay oo ah taliye kooxeed

 

5.Faarax Maxamuud oo isaguna ah taliye Kooxeed.

 

Kuwaasina waa askartii falka gaysatay iyo saraakiishii soo amartay.”

Gudoomiye Kamaal Guutaale ayaa sidoo kale sheegay inay dacwad ka gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaanu yidhi "Waxa kale oo aanu maanta gudbinay dacwad ka dhan ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo isagu ahaa ninkii fududeeyey isku day dil iyo khaarajin loo gaysanayey madaxda xisbiga, waxa kale oo aanu dacwadiisa xaraynay agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin kaas oo ah ninkii abaabulay weerarka ee isticmaalay hay’addaha kala duwan ee dawlada.”

Ugu dambayn gudoomiyaha xisbiga Waddajir ayaa dawlada soomaaliya ka codsaday inay xilka ka qaado xubnaha ay eedeeyeen waxaanu yidhi "Waxaan ka filayaa dawlada in dadka eedaysan ee ciidanka ah ee aanu magacyadooda sheegnay iyo kuwa shacabka ah ee aanu iyagana magacyadooda sheegnay si loo fududeeyo dacwadooda in xilkooda gooni laga dhigo, sida dimuqraadiyada ah ninka xilkiisa la soo eedeeyo oo maxkamada iyo xeer ilaalintu u yeedho waxa loo baahan yahay inuu gooni uga istaago shaqooyinka uu hayo.”